Galmudug: Guddiga arrimaha Xajka waxaa lagu dhisay kaliyetalisnimo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iyadda oo uu fooda nagu soo hayo Xajka ayaa waxaa soo ifbaxaya muran la sheegayo in uu dhabaha u xaari karo in sanadkii labaad oo isku xiga uu dib u dhac soo wajaho xujeyda Soomaaliyeed.

Is-fahanwaaga oo u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamuladda xubnaha ka ah ayaa salka ku haya laba arrimood oo kala ah; qoondada ay dowlad goboleedyada leeyihiin iyo guddi kala xulaya shirkadaha adeegyada Xajka.

Guddigaasi oo ay soo magacowday Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumada federaalka ah ayaa badi xubnaha ku jira oo Wadaado ah waxay yihiin kuwa gacan saar la leh maamulka talada dalka haya.

Dowladda Puntland oo Talaadadii ku gacan-seyrtay isla markaana dalbatay in lagu soo wareejiyo qoonadeeda si ay u maamulato ayaa ku doodeysa in aan laga talogelin Guddigaasi, waxayna codsatay in dib loogu noqdo.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Galmudug, Cabdishakuur Al-Badri, oo habeenimadii Talaadada war-fidiyeenka kula hadlay magaalada Dhuusamareeb, ayaa ku tilmaamay Guddigaasi "mid ku yimid hanaan kaliyetalisnimo".

Shirkadaha daneenaya in ay bixiyaan adeegyadda Xajka ayaa ku tartarsiiyey in aysan ku kad-soomin "maadaama aanan loo dhameyn" isaga oo cod dheer uga dalbaday Wasaarada Diinta federaalka "in ay kala dirto Guddigaasi".

Wasiir Al-Badri ayaa sidoo kale waxa uu ka codsaday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumada Khayre in ay Galmudug u soo gacan-geliso qoondada ay ku leedahay Xajka Soomaaliya.

Sidda ku cad warbixin kasoo baxday Boqortooyadda Sacuudiga, Soomaaliya waxaa loo qorsheeyay in ay sanadkaan kasoo xajiyaan 1,500 oo xujey ah, kuwaasi oo qaybab ay ku leeyihiin maamul goboleedyadda.

"Soomaaliya uma baahna 'anaa yiri,' waxaana muuqata in Guddiga uu ku yimid hanaan kaliyetalisnimo, waxaana u baahan nahay in aan ku tusaale qaadano wixii horey u soo dhacay," ayuu tibaaxay Wasiirka.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Al Badri ayaa imaanaya iyadoo Garowe uu ka socdo shir la isku mari la'yahay oo xal loogu raadinayo khilaafka Villa Soomaaliya iyo maamulka Galmudug. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM