Jeneraal ciidan oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii waxay magaalada Muqdisho, ku dileen Jeneraal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya, oo lagu magacaabi jiray Cabdulle Qururux.

Dilka Jeneraalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Horseed, ee degmada Waaberi, waxaana gaystay labo dhalinyaro ah, oo ku hubaysan Bastoolado, kuwaasi oo goobta ka baxsaday inta aysan Ciidamada soo gaarin.

Allah ha u naxariistee Cabdulle Qururux wuxuu ahaa Sarkaal howlgab ah, oo soo noqday ku xigaanka Taliyaha Saadka Ciidamada Militariga dalka Somaaliya, balse shaqadaasi goor hore ka fariistay.

Ciidamada amniga oo goobta gaarey, ayaa sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Jeneraalka ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM