Golaha Wasiirrada Jubaland oo isku shaandheyn lagu sameeyey

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Maxamed Aw-Yuusuf oo horey u ahaa wasiirka maaliyadda, waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, waxaana wasiirka cusub ee maaliyadda loo soo magacaabey Ibraahim Baajuun oo horey u ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirkii hore ee macdanta Cabdinuur Cali Aadan , waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Isku-shaandheyntan oo noqoneysa tii ugu horreysey ee lagu sameeyey Golaha Wasiirrada Jubaland, waxay kusoo aadeysaa todobaadyo kadib markii la dhisey baarlammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM