Goobta lagu bixiyey lacagta lagu sii daayey Silvia Romano oo la shaaciyey

Image

ROMA, Italy – Iyaddoo dowladaha aysan wali bixin tafaasiil dheeraad ah, warbaahinta ayaa si gaar ah u dabagaleysa sheekooyinka daaha gedaashiisa laga maamulay ee sii deynta Silvia Romano.

Bogga News 1 ayaa xoojiyey warbixinadda ku saabsan in madax-furasho lagu soo daayey haweenayda 24-sano jirta ah ee u dhaqdhaqaaqda arrimaha samafalka ee laga qafaashay Kenya, 2018-kii.

Aduun lacageed dhan 3 milyan oo Doolar ayaa la sheegay in ay ahayd lacagta ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ku qaateen sii deynta, wallow ay iska fogeeyeen arrintaas.

"Kala wareega lacagta ayaa 8-dii May ka dhacay meel 30 KM u jirta magaaladda Muqdisho," ayuu News 1 wariyey. Culimada juqraafiga waxay goobta ku qiyaasayaan in ay tahay agagaarka Afgooye.

Markii ay xorriyadeeda dib u heshay Silvia, waxay maalin ku qaadatay goob ammaan ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Tobbankii May, waxay ka degtay Italy oo loogu soo dhaweeyay si diiran.

Kaalinta Qadar iyo sirdoonka saddex dal

Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, ayaa aaminsan in dowladda Qadar ay kaalin ku lahayd sii deynta haweenayda. Doorka Dooxa, waxaa lagu sheegay dhexdhexaadinta lacagta.

Mukhaabaraadka Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa lagu waramay in ay wada fuliyeen howlgalka. Balse, midkoodna wali kama jawaabin sheegashooyinka la xiriira bixinta madaxfurashadda.

Silvia Romano ayaa lasoo wariyey in ay qaadatay Diinta Islaamka, mudadii ay lahaystaha ahayd. Magaceeda ayay u bedeshay Caasha.

Wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA iyo warbaahinada kale ee ku hadla afka xukuumadaha Ankara iyo Roma ayaa ku adkeystay in lasoo badbaadiyey haweenayda.

Sikastaba ha ahaatee, haddii la xaqiijiyo in madax-furasho lagu soo daayey Silvia Romano waxay god mugdi ah kusii rideysaa in lasoo furto ajaaniibta kale ee wali ku jirta gacanta kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM