Goodax Barre oo qiray in Puntland laf-dhabar u tahay Tacliinta Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa qiray "in laga qurux badnaa" hadalo xanaf leh oo uu ku tuuray Puntland kadib "kala taag" dhanka Imtixaanaadka ah soo kala dhex-galay.

Cabdullaahi Goodax Barre, oo maanta la kulmay Guddiga joogtada ah Aqalka Sare iyo mudanayaasha Puntland halkaasi ku metala, ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay erayadii kasoo yeeray ee cagajugleynta u muuqday.

Mr Goodax Barre ayaa ku dooday in weedhihii uu ka dhawaajiyay loo dhigay qaab uusan isagu oran, taasi oo ku eedeeyay siyaasiyiin uu ku sifeeyay kuwa aanan xilba ka hayn dowladda haatan jirta.

Eryadii dooda dhaliyay ee hanjabaada ahaa ayaa ahaa in sheegay in ardayda Imtixaanka ku gasha degaanada Puntland aysan heli doonin Shahaadooyinka dowlada federaalka ah.

"Ma rabo in aan ku celiyo hadalkeygii hore … balse nuxurka wuxuu ahaa; shahaado aan la ogayn sida loo qaaday iyo meesha lagu saxay imtixaankeeda kama marqaati kaci karno," ayuu u sheegay wariyaasha, kulanka kadib.

Wasiirka oo ku bogaadiyay Senator-da metala Puntland sida xil-kasnimada leh ee ay ugu soo baxeen arrinkaan ayaa kalsooni wayn waxa uu ka muujiyay in xiisada la dejiyo, isla markaana xal waara loo helo.

"Arrinta Imitixaanka ee aan isku fahmi waynay waxay ahayd mab-da' ma aysan ahayn farsamo," ayuu yiri, isaga oo intaasi raaciyay "Waxay ahayd in labada wasaaradood ay iska fahmaan."

- Waayo aragnimada Puntland –

Puntland, maamul in ka badan 20-sano jira, ayaa tan iyo aa-aaskiisa waxa uu si madax u qaadaa Imtixaanka Shahaadiga, iyada oo ay yar tahay kaalmada uga timaada dhinaca caalamka.

Intaasi waxaa wehlisa in uu maamulku leeyahay Manhaj ay wax ku bartaa ardayda, iyadda oo ay suurtogal tahay in xarumaha waxbarashada qaybo kamida koonfurta Soomaaliya ay Manhajkaasi bixiyaan.

"Puntland in aan wax isla wayno ma aysan ahayn … laakiin waan hubaa xal wuu imaanayaa … inagana waxaan balanqaadeynaa in aanan sameynin wax dhaawacaya mabaadii kale oo ad-adag," ayuu daba dhigay.

Wasiir Goodax Barre oo afka ku balaariyay in ay qirsan yihiin horumarka dhanka Tacliinta ah ayaa carabka ku adkeeyay in ay dowladda Puntland ay udub-dhaxaad u tahay horumarinta Tacliinta Soomaaliya.

"Puntland waayo aragnimo dheer ayay leedahay … wax waa looga daysadaa, wax badan way bixiyaa oo kaalmo ah … in aan horumarino Tacliinta Soomaaliya ugama maarano, sababtoo ah waaya aragnimadooda," ayuu xusay.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee mideysan oo ay dowladdu qaadeysay afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa kaliya galay maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, HirShabelle iyo Galmudug xili Puntland ay iskeeda u qaaday.

"Puntland waa dalkii raashinaalka … ra'yiga uu ka shaqeeyo … maskaxdu ka shaqeyso … waxaan hubaa in wax wanaagsan soo baxayo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Waxbarashada xukuumada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM