Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug oo la magacaabey

Image

CADAADO 29 June,2015 (GO)- Kulan maanta magaalada Cadaado isigu yimaadeen Barlamanka Galmudug ayaa ansaxiyey xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha maamulkaas oo dhici doonta 4 July,2015.

Fadhiga Barlamankaan oo uu shir-gudoomanyey Gudoomiyaha cusub ee aqalka wakiilada ayaa  waxaa soo xaadirey xildhibaano gaaraya 77 xubnood kuwasoo maalintii shaley doortey afhayeenka iyo labadiisa ku-xigeen.

Magacyada guddiga doorashada oo cod loo qaadey ayaa waxaa ansaxiyey 73 xildhibaan halka ay ka aamuseen 3 xubnood.

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa ay ka koobnaan doonaan 9 xubnood oo ay ku jiraan ku jiraan Gudoomiye iyo Xogahaye.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa maamlimihii lasoo dhaafey waxaa ka socdey mudahraadyo looga soo horjeedo maamulka cusub ee Galmudug iyo dowlada Federaalka oo buddhiga u ah dhismaha maamulkaas.

Shirweynaha uga socdey magaalada Cadaado beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ayaa ansaxiyey  Dastuurka maamulkaan taasoo dhalisay muran balaaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM