Guddiga Maaliyadda BF oo isbedel lagu sameeyay

Image

MUQISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in uu Dib-u-habeyn ku sameeyay Guddi hoosaadka Maaliyada.

Mursal ayaa u cus-kaday talaabada uu qaaday khilaafka xoogan oo ka dhashay warbixin uu Guddigii horey soo saarey, taasi ku tagrifal maaliyadeed ku eedaysay Wasiirka Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa magacaabay xubno cusub oo Guddiga qayb ka noqon doono, isagoo meesha ka saarey xubnihii mucaaradka ku ahaa Xukuumadda, oo ay kamid yihiin Cabdullaahi Maxamed Nuur oo la sheegay inuu ahaa shaqsigii diyaariyay warbixintii musuq maasuqa ku eedeysay Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xildhibaanada Guddiga waxaa wali ku jira xubno mucaarad ku ah maamulka Farmaajo, sida C/xakiin Maclin Axmed iyo Mahad Maxamed Salaad, iyadoo isbedelka la sameeyay aan la ogeyn inuu wax ka bedeli doono howsha guddiga.

Talaabada Mursal ayaa imaaneysa iyadda oo todobaadyadii ugu dambeeyay u hakad ku jiray fadhiyadii Gollaha Shacabka, taasi oo la fahansan yahay inay salka ku haysay arrimo la xiriirta Guddiga Maaliyadda iyo Mooshinkii laga keenay Farmaajo.

Ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa 28-kii bishii November, xili uu wadanka ka maqnaa Mursal, kala diray Guddiga Maaliyadda, kadib markii uu banaanka soo dhigay musuq-maasuqa Xukuumadda.

Guddoonka ayaa ku kala aragti duwanaaday go’aanka Mursal – Xiisad gaartay inuu Gudoomiyuhu qabto Mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah Farmaajo – ayaa dhalatay, balse, wax kasta waxay u muuqdaan in wadahadal hoose lagu xiliyay.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in talaabada Mursal ay tahay mid ka farxineysa xukuumada Khayre, inkasta oo aysan meesha ka saarin inaan laga hor-dhici karin waxa uu la imaan karo Guddiga la isku shaandheeyay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Mursal ayaa kula dar-daarmay Guddiga cusub inay waajibaadkood dastuuriga ah ay u gutaan sida ugu haboon ee ugu wanaagsan, islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan wasaarada Maaliyadda.

Magacyada xubnaha cusub:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM