Gudiga Doorashada Somalia oo ka digay Faragelin

Image

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban(GFHDD) oo gudanaya waajibka loo igmaday ee kormeerka hannaanka doorashooyinka iyo xaqiijinta in doorashooyinka si isku mid ah uga dhacdo dalka, wuxuu safarro xaqiiqa raadin iyo qiimeyn ah ku tagay deegaandoorashooyinka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyada oosi la mid ah deg deg loo soo kormeeri doono deegaandoorashooyinka dhimman.

Safarradaan ayaa ujeedadoodu tahay hubinta in doorashooyinku dalka uga dhacaan si isku mid ah; qiimeynta heerka diyaargarowga Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban(GDGHDD) ee dhanka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo hubinta in GDGHDD waafaqeen, raaceenna hannaanka doorashada ee la isku raacay.  Guddigu wuxuu sidoo kale kormeerkan ugu kuur galay waafaqsanaanta go’aanadii Madasha Hogganka Qaran(MHQ) ee lagu hubinayey qoondada haweenka ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee 2016ka iyada oo dabagal lagu sameeyey qoraal rasmi ah oo GFHDD horey ugu gudbiyey GDGHDD iyo madaxda Dowlad Goboleedyada 19kii bisha Oktoobar ee 2016ka taas oo kusaabsaneyd asteynta kuraasta deegaan doorashadooda ee ay haween kaliya ku tartamayaan.  

Kormeerrada illaa iyo hadda laga fuliyey deegaan doorashooyinka kor ku xusan, wuxuu Guddigu si gaar ah diiradda ugu saaray hubinta daah furnaanta geedi socodka doorashooyinka, iyada oo tallaabooyin wax ku ool ah lagagaaray dhacdooyin walaac leh sida xadgudubyo loo gaystay musharraxiinta qaarkood.  

Talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ah in xil doone weerar gaystay lagu qaadayo tallaabooyin sharciyadeed isla mar ahaantaasna laga xayuubiyey in uu u tartamo xildhibaannimo doorashooyinka 2016ka sida ku cad Xeer Anshaxa Musharraxiinta (ee lagala soo bixi karowww.doorashada2016.so). 

Guddigu wuxuu caddaynayaa in aysan ka mid ahayn shuruudaha doorashooyinka in musharraxiinta lagu xiro warqado caddayn dambi la’aaneed in ay kala yimaadaan hay’adaha amniga.  

Guddigu waxuu ugu baaqayaa dhammaan maamul goboleedyada in haddii ay jiraan musharraxiin looga reebay musharraxnimadooda warqadaha caddayn dambi la’aaneed ay la wadaagaan xogtooda GFHDD inta aan la qaban doorashada kursiga musharrraxiisa la hakiyay. 

GFHDD wuxuu walaac ka muujinayaa cabashooyinka faragalin ee ka soo yeeraya Oday-Dhaqameedyada 135ta ay saxiixeen MHQ iyo wakiilladooda.  

Haddaba, GFHDD oo u xilsaaran hubinta iyo la shaqeynta Oday dhaqameedyadaas, wuxu xoogga saari doonaa sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta cabashooyinkaas si loo dadajiyo dhammaystirka liisaska ergooyinka dhiman.  

Sidoo kale, Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo dowlad goboleed, in Hannaanka Doorashooyinka 2016ka ee la isku raacay lagu dhisay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed oo u xilsaaran hirgelinta, kormeerka iyo fulinta doorashadadadban ee 2016ka.  

Sidoo kale, dhageysiga dacwadaha iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka dadban, waxay MHQ u xilsaartay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.  

Haddaba, waxaa hay’adaha garsoorka lagu wargelinayaa laguna boorinayaa in ay ogaadaan in guddiyada doorashooyinka dadban loo igmaday dhammaan hannaanka doorashooyinka 2016 ka. 

GFHDD wuxuu ka digayaa dhammaan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cagajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka.  

Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu GFHDD soo saaray23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doorashooyinka, guddigu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ay qusayso doorashadu in laga fogaado isla mar ahaantaasna si wada jir ah looga hortago arrimaha musuqmaasuqa, qof jeclaysiga, iyo faragelinta doorashooyinka.  GFHDD isagoo qaddarinaya marxaladda xasaasiga ah ee fulinta doorashooyinka dadban wuxuu farayaa hay’adaha warbaahinta inay ka fogaadaan tallaabo walba oo carqaladgalin karta geedi socodka doorashooyinka 2016ka amaxadgudub ku ah xuquuqda ergooyinka, musharraxiinta iyo howl wadeennada doorashooyinka sida waafaqsan Xeerka Anshaxa ee kor joogayaasha iyo warbaahinta ee Hannaanka Doorashooyinka (ee laga heli karowww.doorashada2016.so).  

Waxuu Guddigu ka codsanayaa warbaahinta xorta ah inay door wax ku ool ah ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo cadaalad ah taas oo shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo. 

Ugu dambeyn Guddigu wuxuu mahadnaq iyo boogaadin u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, DFS, iyo Dowlad Goboleedyada taageerada ay la grab taagan yihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016 ka.  

–DHAMMAAD–

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM