Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo gudbiyey qoraal uu ku diidan yahay xukuumada [ Akhri]

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia kamid yahay xildhibaano diidan xukuumad cusub ee Somalia kuwasoo Ra'isal wasaaraha ka codsadey in dib u eegis uu ku sameeyo inta uusan horkeenin Golaha shacabka.

Warsidaha Garowe Online ayaa heley qoraal gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ku saxiixan yahay kasoo xildhibaano ka tirsan Barlamanka ku raacdey in dhismaha xukuumada uu Ra'isal wasaare Khayre Baal marey hab qaybsiga 4.5.

Qoraalkaan oo Maxamad Cisman Jawaari ku saxiixan yahay ayaa ayaa waxaa uu xildhbanada  ku wafaaqey qodobada ay ka hadleen isaga dhinaca kale sheegey in waqtiga kama dambeysta ah 31 March, 2017 Ra'isal wasaare Khayre uusan dib uga soo dhicin markaas oo ah in  xukuumada la horkeeno Golaha shacabka.

Wararka laga helayo Ilo ku dhow xafiiska Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa sheegaya in diidamada afhayeenka ay salka ku hayso markii shaqsiyaad uu watey ka dhex waayey golaha wasiirada isagoo sida wararka lagu kalsoon yahay xusayaan wasaarada Maaliyada Somalia la rabey in dib loogu soo celiyo wasiirkii hore ee wasarada Fargeeti kasoo xulafeysi siyaasadeed ka dhexeyo.

Dhinaca kale ka hor- imaanshaha Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ee howlaha xukuumada ayaa waxaa sadhig u ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga heleyo tageerada Ra'isal wasaraha Somalia u raadinayo xukuumadiisa ayaa meel fiican mareysa iyadoo xoggo lagu kalasoon yahay sheegayaan in xildhibaano horey u saxiixey mooshinka lagu diidan yahay golaha wasiirada cusub ee Somalia dib uga noqdeen kuwasoo sheegey arimaha la tabanayo in siyaabo kale ku soo gudbin doonaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM