Gudoomiyaha BF Soomaaliya oo xirey aqalka Wakiilada xilli uusan shaqo qaban [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Qoraal ku taariikhaysan 10 July,2018 oo kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegey in golihii aqalka wakiilada la xirey isla taariikhda warqadaan ay soo baxdey kadib markii muddo Afar bilood ah shaqaynayey.

Gudoomiye Maxamad Maxamad Mursal Shiikh Cabdiraxman ayaa qoralakiisa ku sheegey in aqalkaan la furey 10 March,2018 islamarkaana la xirey 10 July,2018 isagoo ku wargaliyey xildhibanada in Kalfadhigii 3aad sidaas ku xirmey. 

Mursal ayaa ku wargaliyey Xildhibaanada Barlamanka Federalka Soomaaliya in Kalfadhiga 4aad furmi doono 10 Sept,2018.

Mudada uu furnaa aqalka wakiilada ayaa waxaa horey cabasho uga muujiyey Xildhibaano iyadoo aqalka wakiilada uusan kulan shaqo isagu imaan tan iyo intii uu is-casiley gudoomiye Jawaari islamarkaana xilka uu la wareegey gudoomiyaha cusub.

Sida qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka u sheegeen GO aqalka wakiilada ayaa waxaa ugu damabeysay kulan uu isugu yimaado Bishii May dhexdeedda xiligaas oo la guda galay bishii Ramadan.

Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo shuruuc badan hortaaley taasoo saameyn ku yeelatey dhamaan hay’adaha sharci dajinta sida aqalka sare ayaa la filayey in howlihiisa dib u bilowdo ciidul Fitrigii kadib balse ma dhicin.

Sababaha ugu weyn ee aqalka isugu imaan waayey ayaa sida laga soo xiganayo ilo xogogaal ah ayaa waxaa kamid ahaa golaha fulinta oo cabsi ka qabay isu imaanshaha xildhibaanada madaama ay jirto cabsi laga qabo iney keenaan mooshinka ka dhan ah xukuumada gaar ahaan Ra’isal wasaaraha, halka ay jirtey baqdin kale oo  laga qabey in su’aalo laga waydiiyo madaxda sare arimo muhiim ah oo dalka ka jirey xiligaas.

Golaha fulinta ayaa lug wayn ku lahaa Doorashada gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Federaalka ah kadib markii afhayeenkii hore is casiley taas oo u saamaxdey in afhayeenka cusub la qorsheeyaan howlaha aqalka.

Gudoomiyaha aqalka wakiilada ayaa dhowaan safar kaga soo noqdey dalka Turkiga xilli lagu gudo jiro muddo kalfadhiyeedkii Barlamanka.

Warar warsidaha heley ayaa sheegey in Gudoomiye Mursal kula soo kulmay Turkiga siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Farmaajo iyo Khayre madaxda ka yihiin.

Mursal ayaa sida warsidahaan ogaadey kulan uu la qaatey madaxda sare markii uu Muqdisho dib ugu soo noqdey u sheegey in loo baahan yahay in xukuumada xilal laga siiyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah arinkaas oo aysan ku farxin Mudane Farmaajo iyo Khayre.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwasoo intooda badan kamid yihiin Barlamanka Federaalka Soomaaliya horeyna ula soo shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa raadinaya in xilka laga qaado Ra’isal wasaare Khayre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadii uu maalmahaan ku tagey dalka Turkiga waxaa uu kulan la qaatey Madaxweynihii hore ee Somaaliya oo ku nool wadankaas lama oga waxay kawada hadleen balse arimaha siyaasada iney diirada saareen ayaa wararka lagu helyaa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM