Hadal-jeedintii Farmaajo ee Golaha Shacabka oo si kulul loo dhaliilay

Image

MUQDSHO, Soomaaliya – Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka falceliyey hadal-jeedintii madaxweyne Farmaajo ee Aqalka Hoose baarlamaanka federaalka ayaa ku qeexey "sasabasho si uu golaha ugu duuf-sado riyadiisa dheereysiga".

Mudaneyaasha naqdiyey khudbada hogaamiyaha oo cuskaday yaboohiisa in uu Golaha Shacabka kusoo laabanayo kadib shirka Dhuusamareeb 3 ayaa taageerey in arrinta doorashada lagu xaliyo heshiis siyaasadeed.

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ahna Xoghayaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo madaxweyne ku eedeeyay in uu wali ku fekerayo kororsi ayaa meesha ka saarey in ay "ku sirmi doonan hadalada beer-laxawsiga".

"Madaxweynaha khudbadiisa waxaa ka muuqatay beer-la-xawsi Xildhibaanadda, hal maalin baarlamaanka ma ixtiraamin, go'aankooda uma baahan, mana tixgelin, in uu maanta ku shardiyo Dhuusamareeb oo uu yiraahdo wixii Dhuusamareeb kasoo baxa ayaan keenayaa [waa beer-laxawsi]," ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo rumeysan in madaxweynuhu kasii horudhacay wadahadalada Dhuusamareeb, ayaa xusay in is-aragga soo aadan uusan macno sameyneyn.

"Farmaajo wuxuu inkiray jiritaanka Aqalkii sare, kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyadana wuxuu siiyey Golaha Shacabka. Wuxuu sidoo kale ku xadgudbay awood qaybsigii siyaasadeed, kaddib markii uu diiday in uu magacaabo Raysalwasare soo dhisa xukuumad xilliga kala guurka hoggaamisa. Hadalkiisana wuxuu ahaa aniga ayaa labadiiba isku ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Madaxweyne Farmaajo nin dhowraya heshiis lala galay maaha, sababtoo markii ay Dhuusamarreeb 2 soo dhammaatay wuxuu riday Raysalwasaarihiisii, nin Dastuur iyo sharci tixgeliyana maaha, sababtoo ah wuxuu oggolaaday sharci darridii lagu riday xukuumadda, isagoo magacaabay raysalwsaare xil sii hayn ah oo aan Dastuurka meelna kaga dhignayn".

"Farmaajo shirka Dhuusmarreeb inta uusan furmin ayuu irdaha u soo xiray, cid walbana way ogtahay in Golaha Shacabka uusan yeeli doonin waxaan muddo kororsi ahayn. Haddaba sida keli ah ee heshiis looga gaari karo doorasho la isla ogol yahay, xiligeedana ku dhacda, waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo," ayuu tibaaxay.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Waxaase muuqata in madaxwyne Farmaajo uusan weli waano qaadan, kuna kedsoon yahay, dulqaadka dadka oo uu doqonnimo iyo tabar la’aan mooday iyo qar iska tuurnimo in badan u soo shaqeysay. Ma jirto meelo badan uu ku sii dhuunto, maalmihiisuna way tirsan yihiin".

Shirka Dhuusamareeb 3 oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo ayaa dib u dhacay, waxaana aanan la shaacin waqtiga xigga wallow Villa Soomaaliya shaacisay in Farmaajo uu maanta u socdaalayo halkaas si uu uga soo muuqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM