Halkee Marayaa Kulanka u Dhexeeya Maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magalaada Muqdisho ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilowdey kulan maamulada dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Federalka uga wada xaajoonayaan Ajande ka kooban Lix qodob kuwasoo ay kawada hadlayaan guddiyada farsamada ee labada dhinac.


Guddiyadaan oo uu shir gudoominayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca maamulada waxaa u fadhiya kulankaas xubno ka kala socda 5 maamul goboleed.


Wararka warsidaha GO ka helayo kulankaas ayaa sheegaya in diirada lagu saarayo wadahadalkaan u dhexeeya guddiyada labada dhinac ka socda sidii looga heshiin lahaa 6 qodob ee uu ka kooban yahay Ajendaha shirka iyadoo xogta aan heleyno xuseyso in maalinta berri ah ay u yeerteen Wasiirka Dastuurka iyo Qorsheynta Dowlada Federaalka kuwasoo su’aalo laga waydiin doono howlaha ay gacanta ku hayaan.


Guddiyada matalaya Dowlada Federaalka ayaa ka koobma sida Warsidaha GO fahansan yahay saraakiil ka socota Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya iyo Ra’isal wasaraha iyadoo Wasiirka arimaha gudaha uu ka cayaarayo door dhexdhexaadin labada dhinac ah.


Qodobka xusidda mudan sida warsidaha GO fahansan yahay, guddiga ka socda Xafiiska RW Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Agaasimhii guud ee Wasaarada arimaha gudaha ee xilka laga qaadey Yaxye Cali Ibraahim.


Dhinaca kale waxaa kulan albaabadu u xiran yahay u socdaa madaxda Dowlada Federaalka iyo maamulada iyadoo aysan jirin Warar saxafada ka hayso ilaa hadda.


Kulanka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa si rasmiya u firmey iyadoo khudbado ka akhriyeen madaxda labada dhinac.


Dadka siyaasada la socda ayaa khudbadihii xalay la jeediyey u arkayey iney ahaayeen kuwo lagu wajahayey amniga iyadoo dhinacyadu ka fogaadeen khilaafyada siyasadeed oo jira kuwasoo saldhig u ah wada shaqeyn la’aanta labada dhinac.


Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyey kulankaas ayaa hadalkiisa inta badan diirada saarey qaraxii ka dhacey 14 Oct, 2017 magalaada Muqdisho balse aan xusin arimaha masiiriga ee horyaala shacabka Soomaliyeed kuwasoo ay ka mid yihiin amniga, dhaqalaha, siyaasada iyo khilaafka u dhexeeya maamulada iyo dowlada Federalaka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM