Haweenay ajnabi ah oo la hayste ku ahayd Muqdisho oo lasoo furtay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afreen Begum, haweenay Hindi ah, taasoo soddoh-deeda (Waalidiinta ninka qaba oo Soomaali ah) ay ku hayseen magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa lagu guuleystay in lasoo furto, sida uu qoray wargeyska Indian Today.

Howlgalka lagu soo badbaadiyay Afreen waxaa qayb ka ahaa Booliska Soomaaliya, inkasta oo wargeyska uusan carabaabin xaafada ama degmada lagu haystay haweenaydai.

Afreen oo la hayste ahayd tan iyo bishii July 2018-kii ayaa la sheegay in loo geystay jirdil baahsan.

Hooyadan ayaa saddex Gabdho u dhashay Maxamed Xuseen Ducaalle oo isku guursadeen  dalkeeda India dhowr sano kahor

Talaabada lagu soo furtay Afreen ayaa ka dambeysay markii uu soo farageliyay kiiskeeda Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi, oo lasoo hadlay mas'uuliyiinta dowlada federaalka ah.

Hooyadaan 31-sano jirka ah iyo caruurteeda ayaa lagu wadaa in 2-da bisha April oo ku beegan Talaadada maanta ah ay ka degaan magaaladda Mumbai si ay ugu sii gudbaan Hyderabad.

Maadaama India aysan safaarad ku lahayn Soomaaliya, howlgalkaan waxaa fuliyay Guddiga sare ee India u joogo magaalada Nairobi, kaasi oo taageero ka helay hay’addaha amaanka Soomaaliya.

Sidda uu qabo sharciga Soomaaliya, hooyada ma kaxeysan karto caruurta iyada oo uusan Aabuhu raali ka hayn, balse, ra’iisul wasaare Modi oo u sheegay mas'uuliyiinta in ay badbaadi doonan ubadka ayaa suurtagelisay in loo fasaxo.

Qoyskeeda waxa ay ku nool yihiin gobolka Basharath Nagar oo ka tirsan magaalada ay ku badan tahay Soomaalida ee Hyderabad.

Sheekada Afreen ayaa kasoo bilaabatay markii ay Hyderabad isku guursadeen Maxamed Xuseen Ducaale, Soomaali waqtigaasi u shaqeynayay shirkad gaar loo leeyahay.

Ducaale oo si lamid haysta dhalashada Canada ayaa reerkiisu ay ku nool yihiin Soomaaliya. Labadooda waxay ku noolaayeen Hyderabad tan iyo Julaayo 2019, markaasoo Ducaale u soo waday xaaskiisa Soomaaliya.

Mudo sideed bilood ah qoyska Afreen ma aysan helin wax xiriir ah. Nasiib wanaag, maalin ayay ka helayn Afreen wicitaan WhatsApp ah, oo ay ka codsatay haween kale oo ay deris ku lahaayeen Soomaaliya.

Bartamihii Febraayo 2019, aabaha dhalay Afreen oo lagu magacaabo Syed Gafoor Ali, darawal mooto Bajaaj, ayaa la xiriiray wasaarada arrimaha dibada oo ku war-gelisay xafiiska magaaladda Nairobi.

Ku dhowaad laba kun oo kilometer ayay isku jireen xafiiska iyo halka lagu haystay Afreen. Baadigoobkeeda ayaana durba bilowday.

"Waxa uu ahaa howlgal indhoole ah … ma aanan haysan ciwaanka guriga … isma aanan lahayn nolal ayaad ku helaysaa Afreen … howlgalkeenu wuxuu ahaa mid aad u adag," ayuu yiri mid kamid ah badbaadiyaasha.

Kadib badbaadinteeda, waxay kasoo duushay Muqdisho iyada oo soo raacday diyaarada Ethiopian Airlines oo ay kaga degtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

"Waan sugaynaa Afreen … kaliya waxaanu u awoodnaa dhoolacadeyn … waxaan u mahad-celinaynaa mas'uuliyiinta wasaarada oo suurtageliyay in aan dib u aragno Afreen iyo gabdheeda," ayuu yiri walaalkeeda Syed Raheem Ali.

Illaa iyo haatan laamaha amaanka ee Soomaaliya wali wax war ah oo ku saabsan kiiska kama uusan soo bixin, inkasta oo xiriiro uu GO la sameeyay ay ka gaabsadeen.

Howlgalkaan la sheegay in lagu soo furtay Afreen iyo caruurteeda ayaa imaanaya iyada oo todobaadkii lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo waawayn oo galaaftay nolasha in ka badan 40 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM