Heritage oo ku talisay in Aqalka Sare lagu aamino xalinta khilaafka taagan [ Warbixin]

Image
Machadka Heritage ayaa warbixin kasoo saarey khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kaas oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamuladda.
 
Warbixinta Machadkaan oo ka kooban dhowr bogg ayaa diiradda lagu saarey xudunta khilaafka, falcelinta maamuladda, eedaha leeyihiin labadda dhinac, khilaafka hogaanka Galmudug iyo wadada loo mari karo si loo helo xal waara oo ku wajahan xiisadda.
 
- Xudunta Khilaafka -
 
Sidda laga soo xigtay qoraalka, xudunta is-marin-waagan siyaasadeed ayaa ah dhibaato ka dhalatey dasuurka ku meel gaarka ah, kaasi oo dowlad goboleedyadda iyo dowlada dhexe siinaya awoodo isku mid ah.
 
Tusaale ahaan, dastuurka qabyo qoraalka ah wuxuu u ogolaanayaan dowladda dhexe inay iyada go'aan ka gaari karto siyaasadaha la xiriira, arrimaha dibadda, difaaca, lacagta iyo socdaalka, balse, maamuladda ayuu sidaasi si lamid ah siinayaa awoodo.
 
"Inkastoo dastuurka ku meel gaarka ahi uu si weyn ah u mugdiyeysan yahay, awoodahana isku dhex-gelinayo, haddana, sida dhabta ah, meelo uu aad u cad yahay ayaa jira oo uu si waadax ah u kala saarayo awoodaha dowladda federaalka ah iyo kuwa goboleedyada. La iskuma haysto in difaaca, arrimaha dibadda, lacagaha, xuduudaha iyo socdaalka ay tahay hawl gooni u ah masuulna ay ka tahay dowladda federaalka ah, (inkasta oo haddii wadatashi iyo wadashaqeyn lagala yeesho gobolada lagu fa’iidayo)," ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saarey machadka.
 
Warbixinta machadka ayaa lagu qiray in dowladdu ay faragelin qaawan ku sameysay arrimaha hoose ee maamul goboleedyadda si gaar ah HirShabelle, oo ay meeshii ka saareen Madaxwayne Cosoble, kaasi oo lagu bedalay Maxamed Cabdi Waare.
 
Heritage ayaa intaas ku dartay in dowladda ujeedada ugu wayn oo ay ka leedahay "gacma-gacmaynta" dowlad goboleedyadda, gaar ahaan kuwa ay kusoo food-leedahay doorashooyin, ay tahay inay dooneyso inay ku bedasho mas’uuliyiin daacad u ah Villa Soomaaliya.
 
Talaabooyinkan ayuu machadka tibaaxay inay keeni karaan hadii ay dowladdu joojin waydo cawaaqib xumo, inay sii fogaadaan maamuladda iyo rajo beelid ku dhacda Shacabka Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka.
 
- Falcelinta maamuladda - 
 
Madaxda maamul goboleedyadda Soomaaliya ayaa kadib markii ay arkeen inay dowladda u xusul duubaneyso sidii ay meesha uga saari lahayd iyaga oo ay u arkeen inay caqabad ku yihiin waxay dhinacooda bilaabeen olale ay isku difaacayaan, sida lagu sheegay qoraalka Heritage.
 
Heritage ayaa ku nuux-nuux satey in talaabadda ay hogaamiyaasha maamuladda ugu jareen wadashaqayntii dowladda Federaalka iyaga oo isku raacsan ku tilmaamay "mid aanan horey loo arag", taasi oo waji cusub u yeelaysa nooca muran-ka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira.
 
"Waa hubaal in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta aysan la curan baaqii dhawaan madaxda maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen Kismaayo. Muddo dheer ayuu is-afgaran-waagu hoos ka baxayey, sidii dhimbil dab ah oo danbas daboolay. Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalsooni xumada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu marba marka ka danbeeya waa ay soo if-baxaysey. In kasta oo ay jiri karaan sababa kale, waxa ugu weyn oo isafgran-waagu uu salka ku hayey waa laba faham ama fekar oo isa saamaynayey," ayaa lagu daray qoraalka lagu kasoo baxay Heritage.
 
- Khilaafka hogaanka Galmudug -
 
Hogaamiyaasha maamul goboleedkaan ayaa ku kala ir-dhoobay faragelin uu mahcadku sheegay inay si toos ah uga imaaneyso Villa Soomaaliya, taasi oo ka leh dano siyaasadeed, oo ujeedada ugu wayn ay tahay inaanu Madaxwayne Xaaf helin cod ku filan markasta oo uu tago Gollaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyadda.
 
Warbixinta Heritage oo si fahfaahsan looga hadlay xasaradda uu lugaha kula jirta Galmudug ayaa lagu sheegay in hadii aanan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban uu maamulku burbur ku dhow yahay, xili uu ku baaqay machadka doorashooyin xor iyo xalaal ah.
 
Madaxwayne Xaaf ayaa ku sugan Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulkiisa, halkaasi oo uu ku wehliyo Madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir, halka Madaxwayne ku xigeenka, Carabey oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Casar ay Cadaado ku sugan yihiin.
 
Xilldhibaano dhinacyadaan kala taageersan oo shirar ku yeeshay magaalooyinkaan ayaa tibaaxay inay xilalkii ka qaadeen xubnahaas, inkasta oo uu Aqalka Sarre waxba kama jiraan kasoo qaaday arrimahaasi, waxaana looga digay inuu sii socdo khilaafka warbixinta Heritage.
 
- Wadada xalka -
 
Machadka wuxuu afka ku balaariyay in xudunta khilaafka siyaasadeed iyo inuu gaaro heerkii ugu sareeyay ay tahay Dastuurka dalka oo qodobo kamid ah u awoodo iska soo horjeedo siinaya hogaamiyaasha wuxuu ugu baaqay inay miiska wadahadalka ku xaliyaan murankooda.
 
Warbixinta machadka ayaa inkasta oo laga digay inay sii farageliyaan gacmo saddexaad gaar ahaan saaxiibadda Soomaaliya oo usoo bax-baxsanaya inay soo gacmo-geliyaan arrintaan ay saameyn, ayuu qiray in siyaasiyiinta maamuladda ay sidaasi doonayaan.
 
Dib usoo celinta Madasha madaxda maamuladda iyo dowladda Federaalka ayuu ku taliyey machadka dib loosoo celiyo, halkaasi oo ay isku arki karaan dhinacyadda si uu mid kasta usoo bandhigo waxa uu tabanayo.
 
Madaxwayne Farmaajo ayuu ku tartarsiiyey inuu si toos ah ugu dhawaaqo wadahadal aysan qayb ka ahayn dhinacyadda caalamka, kaasi oo ka dhaca magaalooyinka goboladda, tusaale ahaan Garowe.
 
Labadda dhinac - madaxda maamulada iyo kuwa dowladda Federaalka - ayuu Machadka ugu baaqay inuu mid walba kalsoonidiisa dib usoo celiyo maadaama kala shaki fara badan uu jiro, inay balanqaad ka sameeyaan arrimaha uu mid walba ka tabanayo iyo danta dalka eegaan.
 
Hadii ay intaas ku guuldareystaan dhinacyadda, Machadka wuxuu soo jeediyay in Gollaha Aqalka Sarre uu qaato doorkiisa, maadaama dastuuriyan iyo siyaasiyan ay masuuliyad ka saaran tahay xal u helidda muranka siyaasadeed ee xargaha goostay.
 
"Haddii la iimaansado, mudanyaasha Aqalka Sare waa ay awoodaan inay xalliyaan khilaafka dhex yaalla dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, maaddaama ay labadaba ku daaban yihiin. Sidaas darteed, dadaalladda Aqalka Sare waa in lasoo dhaweeyo, lana taageero. Ilaa hadda safarradii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay ugu bexeen xakamaynta khilaafku tillaabo ammaan mudan ayay ahayd," ayuu raaciyay.
 
Machadka ayaa kula taliyay in madaxda maamuladda iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku baxaan sidii khalalaasaha looga saari lahaa Galmudug, kaasi oo haatan qarka u saaran inuu dagaal isku bedalo, maadaama dhowaan iska hor-imaad uu ka dhacay duleedka Cadaado.
 
"Iyaga oo ku kulmaya Madasha Hoggaanka Qaran, dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu waa inay isku bahaystaan badbaadinta Galmudug. Maamul Goboleedkaan oo in badan oo siyaasiiinta Soomaalidu ka soo jeedaan (sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha), wuxuu si weyn ugu baahan yahay xasillooni, dibu-heshiisiin iyo doorasho dimuqraadi ah. Sida ay hadda Galmudug u taal, oo ah inay madaxweyne, kuxigeen, ra’iisul wasaare, iyo baarlamaan kala fadhiya magaalooyiin kala duwan tahay, ma aha mid sii socon karta," ayuu xusay machadka.
 
Ugu dambeyn, Machadka Heritage ayaa ugu baaqey dowladda Soomaaliya inay dib uga laabato mowqifka ay ka qaadatey taageeradda Beesha Caalamku siiyo maamulka Somaliland si ay dib ugu bilowdaan wadahaddalada labada dhinac, iyo inay joojiso olalaha ka dhanka ah xorriyadda hadalka.

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM