Hogaanka DF oo 'raba' in uu xukunka ku hayo tab ay AlShabaab adeegsato

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdshakuur Warsame ayaa riditaanka xukuumadda Xasan Cali Khayre ku sifeeyay in ay "sooyaal soo taxnaa oo ku saabsan dastuur ku tumasho iyo burburinta dimuqraadiyadda".

Dowladda uu majaraha u hayo Farmaajo iyo taliska nabad-sugida ayuu cod dheer ku sheegay in ay mas'uul ka yihiin dhamaan talaabooyinkaas.

Dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii lagu qaadey hoygiisa, riditaankii gudoomiye Jawaari iyo talaabadii korontada biyaha looga jartay ayuu la barbar-dhigay qaabkii "fowdaha ku jirtay" ee xilka looga qaadey xukuumada Khayre.

"Markii ay u hirgaleen waxa aan soo sheegay waxay abuureen dareen dadka geliyeen oo ah 'yaa na hor istaagi kara' dareenkaas wuxuu ku saleysan yahay argagaxgelin iyo argagixiso, waa midka kooxda Al-Shabaab ay ku dhaqmaan oo aanan biyo laga doorin. In ay dadka tusiyaan in ay yihiin niman laga baqayo, in ay yihiin niman sharciga aan u aaba yeelaynin, in ay yihiin niman dadka aan dastuurka ixtiraameynin," ayuu carabka ku adkeeyay Mr Warsame.

Isagoo riditaanka Khayre ku qeexay "inqilaab aan dhiig ku daadan", Warsame ayaa tibaaxay in ciidamadda loo adeegsaday in xorriyadda looga qaado ra'iisul wasaarihii hore loona diidey in uu la hadlo saxaafada xorta ah.

"Wixii shalay [Sabtidii] dhacay waxay ahaayeen inqilaab aan dhiig ku daadan sababtoo ah ciidankii qeybihiisii kala duwanaa nabad-sugidii, booliskii iyo milatarigii loo isticlaamay ra'iisul wasaarihii isaga oran jiray 'anigaa ciidanka dhisay, anigaa [dib-u-habeyn ku sameeyay], anigaa bixiyey musharkooda, ayaa isaga naftiisa loo isticmaalay in ay ka qaadaan xorriyadiisii, in ay u diidaan dhaqdhaqaaqiisii, in ay u diidaan in uu noqdo ra’iisul wasaare xor ah oo dalka jooga in uu yahay," ayuu hadalkiisa daba dhigay siyaasi Cabdiraxmaan.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa xoojiyey dooda ku saabsan in riditaanka xukuumadda Khayre ay si toos ah ula xiriirto in meesha laga saaro heshiiskii Dhuusamareeb ee madaxda dowlada iyo maamulada dalka.

"Waxaanse ka xumahay in dad metela degaankaas in ay rumeysteen walina ay ku siran yihiin ruwaayadii madaxweyne Farmaajo ee ahayd ra'iisul wasaaraha idinkaa idin siinaya ee qeyb ka noqda shirka in aad joojisaan ama in aan helo muddo kororsi, waana wax aad looga xumaado," ayuu ka shanqariyey.

Intii uu ku guda jiray shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay, Farmaajo ayuu ku nuux-nuux saday in uusan rabin dib-u-heshiisiin iyo doorasho, isagoo shacabka ku dhaqan Muqdisho uga baaqay in ay ka banaanbaxaan.

Wallow uusan cid gaar ah carabaabin, siyaasiyiinta qaarkood ayuu ku canaantay in ay iska-indhatireen "gabadood-falada" ay sameysay dowladda waqtiga kasii dhamaanayo

"Waxaan ogahay qaar badan oo kamid ah madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda in uu telefoono u diray oo uu yiri igu taageera bixinta ra'iisul wasaaraha idinkaa idin siinayaa ama qaarkood uu ku yiri maanta kaliya i taageera, waxaysa ogeen kuraasta ay ku fadhiyaan ragga shalay sidaas oo kale lagu bixiyey oo lagu yiri maanta kaliya i bixiya berri adigaa ku dhisayaa oo ku taageersanahay, waa in ay ogaataa inta siyaasada ka shaqeysaa nimanka Villa Soomaaliya ka taliya iyo taliska nabad-sugida isku dhafa in cid kasta ay doonayaan maalintaas kaliya in ay ku moodaan, siyaasadaas maalinlaha maalin-jooga ahna kula macaamilaan," ayuu xusay wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya.

Farmaajo ayaa mudda xileedkiisa uu ka dhamaanayaan Febraayo 2021, halka baarlamaanka uu ka dhamaanayo November, 2020. Xisbiga Wadajir wuxuu saddexdii sano ee lasoo dhaafay si furan uga digayay muddo kororsiga.

MUUQAALKA SIYAASIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM