Axmed Madoobe oo Isku shaandheyn ku sameeyay Wasiiradiisa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa isku shaandheyn lama filaan ah ku sameeyay maanta oo Arbaco ah Gollaha Wasiiaradda.

Wareegto kasoo abaxday Xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyay Isku shaandheynta, taasi oo loo cuskaday inay jirto baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha fulinta dowlad goboleedka.

Isku-shaandheynta oo ah mid Xilka qaadista iyo magacaabis ah ayaanan wax saameyn ah ku yeelan Wasiirada miisaanka culus ee ku dhaw Axmed Madoobe, sida amniga, Arrimaha Gudaha iyo Wasiiro kale.

Lix wasiir oo cusub ayaa lagu soo daray Gollaha, halka shan kale loo wareejiyay boosas kale.

Tallaabadan uu qaadey Axmed Madoobe ayaa imaanaysa xilli uu sii dhamaanayo mudo-xileedkiisa, oo ku eg billowga 2019, iyadoo Siyaasiyiin badan ku eedeynayaan Madaxweynaha inuu raadinayo mudo korarsi.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM