Jaamacadda Carabta oo shaacisay mowqifkeeda shirka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qeyd, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jabuuti, Ismacil Cumar Geelle, uu ku martigaliyey wadahadalkii Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

14-kii bishaan June sanadka 2020 ayay bilowdeen wada-xaajoodyadda oo qaatay muddo afar maalmood ah oo si weyn loo doodey.

Abuu Al-Qeyd ayaa dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wadahallada.

Madaxweyne Farmaajo ayuu u xaqiijiyey taageerada Jaamacadda Carabta ay la garab taagantahay Soomaaliya iyo ka miradhalinta dadaalkan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu balanqaaday inay sii wadi doonaa gacan ka geysiga arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya si ay shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himilooyinka ay hiigsanayaan.

Xoghayaha ayaa ku tilmaamay tallaabo "yididiilo leh", isaga oo sheegay in Jaamacadda Carabtu ay kaalin weyn ka qaadaneyso dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa.

Dhambaal qoraal ah oo uu u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayuu ku bogaadiyey gogosha uu fidiyey, iyada oo Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadaal kasta ku bixiyaan kamiro dhalinta hanaaankan wadahadallada.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaaddida taageerada Jaamacadda Carabta u hayso Soomaaliya iyo dadaalada iskaashiga isdhexgalka Gobolka.

Sikastaba, Shirka lagu soo gabagabeeyay Jabuuti waxaa xigi doono kulamo kale oo la filayo in ay bilowga bisha dambe ka dhacaan isla Jabuuti, kuwaas oo looga arrin-sanayo qodobo leysku fahmi waayey oo ay kamid yihiin; isu socodka labadda dhinac iyo maamulka hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM