Jawaari oo baaq u diray Madaxda Xabsiga Dhexe ee Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray madaxda Xabsiga dhexe ee Muqdishu.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa Ku xiran boqolaal dhalinyaro ah, kuwaas oo lagusoo qab qabtay howlgallo ciidamo ka sameeyeen Caasumadda Somalia. 

Mudane Jawaari oo ka hadlayay xaflad loo qabtay ciidamada Asluubta Somalia ayaa sheegay inaan loo dul qaadan doonin dad bilaa dambi ah oo Ku jira Jeelasha. 

Wuxuu codsaday in la furo gal-dacwadeed Ku saabsan dambiyada loo haysto dhalinyaradaas islamarkaana xorriyadooda la siiyo wixii aan dambi lahayn. 

Afhayeenka golaha Shacabka ayaa dalbaday in si gooni ah looga taxadaro xaaladda Dumarka howlgallada lagusoo qabto. 

Hadalkan ayaa kusoo aadaya Xilli Madaxweynaha cusub Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ballanqaaday inuu cadaaladda mudnanta siin doono. 

Inta badan dhalinta kasoo qabto ayaa lagu eedeeyaa inay ka dambeeyeen falal Amniga liddi Ku ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM