​Jawaari iyo Xidig oo kusoo baxay Aqalka hoose, doorashooyin socda

Image

BAYDHABO, Somalia- Waxaa maanta oo Talaado ah Doorashooyin kala duwan ay ka dhacayaan magaalooyinka Kismaayo, Jowhar iyo Baydhobo, ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Doorashooyinka Xildhibaanada aqalka hoose ayaa ka bilaabatay Magaalooyinka xarumaha u ah Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia, halka magaalada Jowhar xarunta Hir-Shabeelle ka dhacayso Doorashada Aqalka sare.

Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada ee ku sugan Kismayo, ayaa guda galay codaynta murashaxiinta Aqalka hoose oo ay ku tartameen Cabdiriishiid Maxamed Xiddig, Maxamuud Maxamed Kuuloow iyo Maxamed Ismaaciil Shuuriya , waxaana 37 cod ku guulaystay mudane Xidig.

Musharaxiinta u tartamaya Kuraasta 8-da ah, ee  Maamulka Hir-Shabeelle ka helay Aqalka sare ayaa xalay Khudbadahooda u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Kuraasta ugu badan ee Xildhibaanada aqalka hoose waxaa helay Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana beelaha degan deegaanada maamulkaasi la siiyay 69 Xubnood, oo qeyb ka noqon doono Baarlamaanka Cusub.

Wararka ayaa sheegaya in 8 Kursi oo kamid ah 69-ka Xildhibaan ayaa doorashadoodu kasocotaa magaalada Baydhabo, halka kuwa kalena ay howshooda socoto lana filayo maalmaha soo socdo in la doorto.

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Federaalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku guulaystay kursigii ugu horeeyay Xildhibaanada ka imaanaya maamulkaas isagoo helay codad gaaraya 45, halka ninka la tartamay ee Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim uu helay 5 cod.

Sidoo kale waxaa Xildhibaanada Aqalka hoose ku soo baxay Fowziyo Sheekh Maxamed iyo Ibraahim Isaaq Yarow.

Dhanka Jubbaland, oo la siisay 43 Xildhibaan ayaa sheegtay inay Maanta qaar kamid ah Kuraasta Aqalka hoose lagu dooran doono magaalada Kismaayo, ee xarunta maamulkaasi.

Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay oo Doorashada aqalka hoose qabta, waxaana Garowe lagu doortay 12 Xildhibaan, oo kamid noqday Xildhibaanada Aqalka hoose Barlamanka Federaalka Somalia.

Gudiga Doorashada Dalka Somalia, ayaa soo dhaweeyay Doorashooyinka ka billowday magaalooyinka dalka, waxayna rajo ka muuniyeen in Doorashada Madaxweyne ay dhacdo waqtigeeda (30 November 2016).

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM