Jawaari oo warqad jawaab ah u direy Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Gudoomiyaha Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Shiikh Cismaan Jawaari ayaa waraaq jawaab ah u qorey Xeer Ilaaliyaa Qaranka kadib markii maalmo ka hor uu ka codsadey in xasaanada laga qaado labo Xildhibaan oo ka tirsan aqalka golaha shacabka.

Qoraalkaan oo ku taariikheysanaa 19 Dec, 2017 ayaa yimid kadib markii guddiga joogtada ah ee Barlamanka Federaalka ah kulan ay yeesheen 18 Dec,2017 kasoo saareen qodobo ka koobnaa dhaliilo iyo talooyin.

Xeer Ilaaliyaha qaranka ayaa qoraalkaan waxaa uu ku dhaliiley in inta uu soo gaarsiin wax codsi ah Guddoonka Barlamanka ee ku aadanaa xasaanad ka qaadka labada Xildhibaan Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye uu saxaafada ka hadlay taasoo khatar galisay daganaanshaha siyaasadeed ee dalka.

Axmad Cali Daahir oo maalintii shaley hortagey guddiga joogtada ah ee aqalka hoose Barlamanka Federaalka ayaa su’aalo laga waydiiyey codsigiisii ku aadaanaa xasaanad ka qaadka Xildhibanada iyadoo sida wararku sheegayaan ku guuldareystey inuu cadeymo keeno ku aadan shaqo ka fariisinta mudanyaashaan Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Hoos Ka Akhri Qoraalka Jawaari u Qorey Xeer Ilaaliyaha.

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM