Joe Biden oo Soomaaliya ka saaraya liis madow uu Donald Trump geliyey

Image

WASHINGTON, US – Murashax xisbiga dimuqraadiga, John Biden, ayaa hadii loo doorto madaxweynaha Mareykanka wuxuu wadamo ay ku jirto Soomaaliya ka qaadayaa xayiraadda dhanka socdaalka, sidda uu sheegay machad.

Tani ayaa waxay la macno tahay in uu dib u eegis ku sameyn doono Siyaasadda Socdaalka waddanka Mareykanka taasoo uu bedelay madaxweynaha xafiiska jooga ahna murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Bishii Febraayo, sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii uu Trump soo saarey xayiraadaas in ay u safraan Mareykanka looga mamnuucay muwaadiniinta wadamada; Ciraaq, Iiraan, Liibiya, Soomaaliya iyo Yemen.

Aqalka Cad ayaa xayiraadaas wuxuu qiil kaga dhigay in wadamadan ay ku xoogan yihiin urur argagixiso oo gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Horaantii sanadkan 2020, Trump wuxuu liiskan madow ku kordhiyey dalalka Myanmar, Nigeria, Eritrea, Sudan, Tanzania, iyo Kyrgyzstan

Machadka Heritage Foundation oo warbixin daabacay ayaa sidoo kale wuxuu tibaaxay in Biden uu gudbin doono soo jeedin ay muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta aan sharciga haysan ah.

Sidda ku xusan warbixinta machadkan, Biden wuxuu sidoo kale meesha ka saari doonaa isku dayga Trump ee uu ku doonayo in uu ku baabi'iyo barnaamijka waalidiinta u ogolaanaya in caruurtooda haystaan marka USA galaan.

Doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ayaa loo balansan yahay 3-da November iyaddoo lasoo wariyey in codadkooda ay mar sii horeysay dhiibteen dad lagu sheegay 50 milyan, waxaana harsan tirro kale oo aad u balaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM

Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    14-04-2024

  • 11:27AM