Jubaland iyo AMISOM oo ku heshiiyey qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka 1aad, Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga ka tirsan Sarakiisha Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM.

Is-aragga ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Dhinacyada ayaa si lamid ah isla eegay sidii loo balaarin lahaa Xarunta Wadaaga Xogta, taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta "cadowga".

"...si looga hortago falalka Argagixisadu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay shirka, kaasoo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

AMISOM ayaa la isku raacay inay tagaan furimaha hore ee dagaalka ay ka howlgalaan  si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku dhex-leh degaanada Jubaland, waxaana ku taala fariisinkooda ugu weyn oo ah magaaladda Jilib, halkaas oo ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaashooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM