Jubaland oo ciidamo dheeraad ah geyneysa xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Hogaanka Jubaland ayaa la sheegay in ay ku fekerayaan ciidamo dheeraad ah oo ay u direen xuduudka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo ay xiisad ka taagneyd bilooyinkii lasoo dhaafay.

Qorshaha ciidamada loogu daad-gureynayo sohdinta ayaa lagu waramay in ay ka shireen madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirkiisa Amniga, Cabdirashiid Janan. Labadooda waxay joogaan Dhoobley.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulamo saacadihii lasoo dhaafay la yeesheen saraakiisha ay kala hadlaan qorsheyaal balaaran oo ujeedkoodu yahay siddii degaanada ka maqan uga saari laahaayeen Al-Shabaab.

Xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Beledxaawo waxaa isku hor-fadhiya ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo Dowladda federaalka, kuwaas oo dagaalo dhexmaray ay dhaliyeen khasaaro iyo barakac.

Axmed Madoobe ayaa todobaadkii hore u sheegay ciidamada dowlad goboleedkiisa in ay isku diyaariyeen "isku-tashi iyo guluf ay dhibaatada uga dulqaadayaan dadkooda ku hoos jira maamulka argagixisada".

Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay siyaasadeysay la dagaalanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida isla markaana ay wada olole ay "isaga hor-keeneyso ciidamada diyaarka u ah baacsiga xagjiriinta".

Xukuumadda federaalka ayaa lagu dhaliilay ciidamo ay ku daabushay qaybo kamid ah gobolka Gedo, kuwaasoo "khal-khalgeliyey nabad-gelyadda guud isla markaana carqalad ku noqdey howlgalada socda".

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee degmada Afmadow, Mahad Islaam, ayaa dhowaan sheegay "in uu fashiliyey afgembi ay malaayiin Doolar ugu balanqaadey Villa Soomaaliya".

Mahad Islaam ayaa dalacsiin ku muteystay talaabadaas. Axmed Madoobe ayaa mar sii horeysay kaga dhawaajiyey in uu iska diidey dalab lacageed oo loosoo bandhigay si uu u faarujiyo xafiiska.

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo muda xileedka uu gabaabsi ka yahay ayaa la sheegay "in ay caadeystay dhaqaale iyo awood ciidan oo ay u adeegsato dowlad goboleedyadda kaga aragtida duwan hogaaminta Qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM