Jubaland oo ka jawaabtey wararka sheegaya in ay degmooyin ka go'een

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ka falcelisey warar soo baxay oo tilmaamaya in ay jiraan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ku dhawaaqay in ay ka go’een maamulkaas.

Hadalkan ayaa yimid markii Maxamed Cabdullahi Gardhuub, guddoomiyaha degmada Luuq uu iclaamiyey in ay ka madax banaan yihiin dowlad goboleedka xaruntiisa ku meel gaarka tahay Kismaayo.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland, oo dhowaan laga xayiray in uu galo Beledxaawo, ayaa beeniyay in shacabka gobolka diidan yahay maamulkooda.

Kadib juujuub iyo cadaadis kaga yimid ciidamadda Itoobiya, dadweynaha ayaa soo dhaweyn ay sameyn lahaayeen wafuuda madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland u rogay mudaaharaad.

"Caqabad wey jirtaa oo aan kaga baqnay in ay dhibaato dhaliso. [Banaanbaxa] ma ahan mid ay dadka degaanka naga hor imaadsan yihiin. Dadka degaanka shalay ma aanay dhalan," ayuu u sheegay BBC.

Maxamuud oo gobolka laga soo doorto, ayaa haatan wuxuu ku sugan yahay gobolka Waqooyi Barri ee waddanka Kenya, halkaas oo ay ku wehliyaan mas'uuliyiin kale.

Wuxuu ku daray: "Laba todobaad kahor baad fiirineysaa taageeradooda, amnigooda iyo sidda ay wadajirkooda u difaacanayeen. Waxa maanta ku cusub waa farogelin banaanka kaga timid".

Maamulka Kismaayo ayaa wuxuu dejinayaa istaraatiijiyadii u kaga gudbi lahaa "afduubka dhibaatada u keenaya" ee ka socda saddex kamid ah degmooyinka ugu muhiimsan gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Cabdinuur Janan, oo Muqdisho u tegay si uu uga sii gudbo Addis Ababa oo howlo shaqo uu ka lahaa, ayaa tan iyo 1-dii September ku xiran Muqdisho.

Talaabooyinkan oo dhan ayaa dhacaya iyadda oo uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhaxeeya Jubaland iyo Villa Soomaaliya oo qaadacday doorashadii uu kusoo baxay madaxweyn Axmed Madoobe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa si adag wuxuu gaashaanka ugu daruuray sheegashooyin maalmihii dambe jiray oo ku aadan in degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baladxaawo "ay go’een".

Farogelinta xukuumadda Muqdisho ku hayso degmooyinkaas ayaa waxa uu caddeeyay in ay "xoogag shisheeye gedaal kasoo taabaneyso". Ma carabaabin dal, balse waxaa ugu cad-cad Itoobiya.

Ciidamadda Itoobiya ayaa dhowaan "qafaashay" gudoomiyeyaasha degmooyinkaas, kuwaas oo laga saxiixay qoraal ay ku ogolaanayaan in dowladda federaalka qorshaheeda ka fuliso Gedo.

Qorshaha ayaa wuxuu yahay in maamul cusub looga dhawaaqo Gedo isla markaana mas'uuliyiinta gobolkaas ay shaaciyaan in ay ka madax banaan yihiin maamulka Axmed Madoobe.

"Ma jirto degmoomin naga go’ay. War xuma tashiilka baraha bulshada oo aan noqon karno sanadahan waa sanadihii ugu badnaa oo been la dhiirogeliyo oo dhaqaale lagu bixiyo," ayuu tibaaxay.

"...dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo-na lagu soo xasuusan doono," ayuu carabka ku adkeeyay Maxamuud Sayid Aadan.

Jubbaland oo war qoraal ah u dirtay xafiiska ergayga UN-ka ee Muqdisho ayaa cambaareysay talaabooyinka ciidanka Itoobiyaanka ah oo aan qeyb ka ahayn AMSIOM, waxayna codsatay in laga saaro gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM