Jubaland oo shaacisay go'aan ku aadan xubnaha kasoo baxa Shabaab

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi ka socday hay'adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano.

Hay'adda IOM ayaa gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha "kasoo xarooda kooxda Al-Shabaab".

“Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro Soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu intaas ku daray: "Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsan yihiin ee ay dadka ku gumaadayaan".

Madaxweynaha ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay ku sameynayaan barnaamijkan, cida kashaqeysa iyo deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya si waxa la qabanayo "uu u noqdo mid Soomaalida Anfacaya"

“Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan".

"...sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka," ayuu xusay.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Sanadahii lasoo dhaafay kasoo xaroonayay Kooxda Al-Shabaab isla markana ka tanaasulayay Figradaha xagjirka ah kuwaas oo dhaqan celin loogu sameeyay Magaalada Kismaayo.

"Xubnahaas ayaa kadib shaqo abuur loo sameeyay si ay Nolosha caadiga ah dib ula qabsadaan," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeed kasoo Madaxtooyadda maamulka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM