Ciidamada sugaya amniga doorashadda J/land oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida maanta oo Talaado ah qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale.

Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira, oo fahfaahin ka bixiyey qodobada kulankooda xooga lagu saarey.

Mr Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab.

Hogaamiyaha ayaa intaasi ku daray ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna afgartay in Hay'adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga doorashada.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka.

Madeira ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland, wuxuu sheegay in ay sidii hore ay u howlgeli doonan.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.

Arrimahaan ayaa kusoo imaanaya xili Jubbaland ay kusoo food-leedahay doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyadda, taasi oo ay si wayn isha ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM