Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare oo furmay iyo Farmaajo ka baaqday

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furmay Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khader] iyo xubno kale oo ka tirsan masuuliyiinta dowladda ayaa xaadir ku ahaa xafladda kuwaasi oo hadalo ku saabsan howlaha Gollaha horyaala iyo wax-qabadka laga sugayo ka jeediyay.

Mas'uuliyiinta ayaa ku dheeraatay bogaadinta doorka Aqalka Sarre ka qaadanayo soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kaasi oo udhaxeeya madaxda Federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah, kaasi oo gaarey heerkii ugu sareeyay.

Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa ka baaqday ka qaybgalka xafladda furitaanka Gollaha, taasi oo ka dambeysay markii uu shalay safar uu ku tagay Marka, halkaasi oo uu ku hoyday xalay oo Axad ahayd.

Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo dowladda ku metala dowlad goboleedyadda ayaa ka kooban 54 mudane, xili xaruntooda oo ku taala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ay illaalo ka hayaan ciidamo Soomaali ah.

Bishii hore ee September ayuu qorshuhu ahaa inay si wadajir ah uwada furmaan Kal-fadhiyadda Labada Golle ee dalka, balse Senatorada ayaa ka biyo diiday iyaga oo sheegay inay doonayaan in dhinacooda ay si gaar ah furtaan Kal-fadhigooda.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijinaya in mid kamid ah asbaaha ay udiideen Xilldhibaanada ay qayb ka tahay inay go'aan ka sugayeen Howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo ku aadan in amaanka dhismaha Gollaha ciidamo AMISOM ka socda la keeno.

Lama ogga jawaabta ay AMISOM uu ka helay gudoonka Gollaha, balse illaa iyo haatan dhismaha Gollaha lama keenin ciidamo ka socda howgalka, xili ay xusid mudan tahay inay kulan yeesheen dhowaan Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo gudoonka Gollaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM