Khadar oo fasiraad ka bixiyay hadallo muran dhaliyay oo kasoo yeeray Abiy Axmed

Image

JABUUTI - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ka hadlay markii ugu horeysay hadalkii muranka dhaliyay ee kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Abiy Axmed, wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa tiro labo jeer ah oo la kulmay Madaxwayn Farmaajo, ka dhawaajiyay hadalo xasaasiyad xoogan ku abuuray Bulshadda Soomaaliyeed.

Markii koowaad – Bishii June kadib socdaal uu ku yimid magaalo madaxda Soomaaliya oo uu ku laabtay wadankiisa, wuxuu u sheegay shacabka dalkiisa inay ku heshiiyeen Farmaajo in la mideeyo labada dowladood.

Mar labaad – bishii November, kulan saddex geesood ah oo Bahar Dar ku yeesheen hogaamiyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, wuxuu Abiy ka shaaciyay in saddexda dal ay mustaqbalka yeelan doonaan hal hogaamiye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa fasiraad ka bixiyay hadallada Abiy Axmed, isagoo sheegay inaysan suurta-gal ahayn in Farmaajo uu heshiis noocaas ah galo, islamarkaana shacabka laga qariyo.

“Madaxwayne Farmaajo inta uu tago Addis Ababa…oo uu heshiis la galo Itoobiya ama Eritrea ma oran karo waan midoobeynaa...Mana ahan wax qarsoomi kara heshiisyo noocaasi ah…Marka waxaanu u baahan nahay inaanu waxba iska [abuuran],” ayuu yiri Khadar.

Ugu dambeyntii, Khadar ayaa oo fahfaahin ka bixiyay heshiisyadda uu Madaxwaynaha la galay dalalka deriska ayuu ku nuux-nuux saday inay yihiin kuwa kaliya ku kooban dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM