Khadar: Reer Somaliland way ku kala duwan yihiin fekerka kala tagga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka, ayaa shaaca ka qaadey in dadweynaha Somaliland ay aad ugu kala aragti duwan yihiin feker ah gooni u goosadka ah.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo ku dhashay kuna barbaaray isla markaana wax ku bartay magaaladda Hargeysa, xarunta Somaliland, ayaa dowladda federaalka ku metala maamulkaasi.

"Aragtida ah midnimadda iyo kala tagga, waa feker dadka Somaliland kasoo jeeda ay ku kala duwan yihiin. Laakiin fekerkaasi oo 30-kii sano ee u dambeeyay ku dhowaad illaa iyo 91-kii laga bilaabay ah aragti dadna qabaan, dadka qaarkiina ay qabaan, hadii si aad yeeli waydo, maxaa si kale ayuu Abwaanku lahaa, maxaa lagu deyi karaa, war 30-sano miyaan meeshu un taagnaaneynaa," ayuu is-waydiiyay.

Inkasta oo mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegtan madax banaani tan iyo burburka Dowladii Dhexe ee Soomaalya, haddana caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Khadar ayaa ku daray: "Waa marag ma doonto, dunida hal dal bey aqoonsan tahay. Halkaa dal oo aynu Baasaboorkiisa aynu ku safarno, oo shahaadooyinkiisa aynu tastiiqintiisa aynu ku socono oo hadey tahay waxbarasho dibadeed tan kaliya ee lagu tagi karo ay taa tahay.

Ku simaha wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay sidda loogu baahan yahay in dooda ah 'waan wada jireynaa' iyo 'waan kala tageynaa' lagu xaliyo miiska wada hadalka.

"Markaa dalkii waa lawada yahee, hadii wada jirayana lagu wada jiro sifo sharci iyo dastuuri ku dhisan oo la wada hadlo, qofka aragtidaa qabana uu u ogolaado qofka aragtida kasoo horjeeda qaba ee ka duwan in uu dood furo oo xiwaar [wada hadal] oo yirahado 'walaalayaalow tani kuma sii socon karno, kumana sii dhaqmi karno 30-sanaan mareynaa maxaa xal ah? Hadaad adigu qabto Maya 'waan kala tageynaa' walalakaana qabo 'waan kala tageynaa' waa in la furaa xiwaar iyo dood 'maxaa lagu wada sii jirayaa'," ayuu tibaaxay.

Wada xaajoodyadii ugu dambeeyay ayaa qabsoomay sanadkii 2014-kii, inkasta oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah oo sahlaya in ay mar labaad isku yimaadan si xal waara loogu helo doodan xasaasiga ah.

"Ma ahan in la buuro rajo aanan jiirn ama aanan dadka tilmaam u bixinin. Ceel guntiisa aanu salax ka muuqan side baa lagu gaari karaa oo biyo looga soo saari karaa, tan kaliya ee biyo looga soo saari karana waa in wada hadal dhab ah la galo, la dardargeliyo wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland," ayuu hoosta ka xariiqay.

Sidda uu ka dhawaajiyay Mahdi, isaga oo dardargelinta ka duulaya, madaxweyne Farmaajo ayaa guddi heer qaran ah u magacaabay wada hadaladda oo qabsoomidooda balse ay dood ka taagan tahay madasha.

"Guddigaasi ay shaqadooda qabsato, golgolna la dhigo beesha caalamka iyo cid kasta la daneynaya iyo madal kasta oo dhexdhexaad ah oo ay walaalaheen ku qancayaan kuna niyad-san yihiina la isugu tago, waa halka aan rabno in ay kasoo baxdo geedi u socod ay wada hadaladu qaatan oo lagu heshiiyo oo aakhirkii wixii dunida marqaati ka tahay labada dhinacna kuwada hadleen, labada madaxweynaha isaga yimaadeen, labada guddina soo jeediyeen, aynu yiraahno taasaa loo qaadayaa Afti. Ma haa baad ogoshahay oo midnimo ah ama waxana u baahan nahay Maya," ayuu daba dhigay.

Intii uu ku jiray olalaha, Farmaajo oo haatan mudada xileedkiisa uu uga harsan yahay sanad iyo bilooyin, ayaa balanqaaday in uu dardargelinayo wada xaajoodyada Somaliland, taasi oo aanan wali la bilaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM