Madax lagu eedeeyay in ay "xoog ku haystaan" guriga caruur agoon ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Ku xigeenka labaad ee afhayeenka Golaha Shacabka ayaa xoog ku haysta guriga caruur agoon ah kuna yaala Muqdisho, sidda uu sheegay qoyska iska leh.

Sidda laga soo xigtay mulkiileyaasha, Khadiija Maxamed Diiriye oo muddo hal sano ah [2013 illaa 2014] ku kireystay hoyga lacag dhan sideed boqol Doolar bishii ayaa kaliya bixisay sanadkii 1aad, iyaddoo kadib diidey in ay dhiibto kiradda.

Khadiija oo xilligii guriga ay degeysay ahayd Wasiirka Haweenka ayaa la sheegay in kadib ay dhismaha ku wareejisay gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad kaasoo seygeeda soo noqdey.

Gurigaan ayaa dadkii lahaa ku kala nool yihiin Garowe iyo dibadda, waxaana uu ku yaala nawaaxiga taliska booliska ee Muqdisho. Hoygan waxaa ka geeriyoodey Maxmed Abshir Muuse, taliyihii ugu horeeyay ee bileyska Soomaaliya.

Cismaan Maxamed Abshir Muuse, wiil uu dhalay marxuumka, wakiilka guriga ka kireeyay Khadiija iyo xubno kale oo reerka kamida oo Khamiista maanta ah u waramay Goobjoog TV, ayaa waxay baaq u direen Khadiija, Cawad iyo dowladda.

Mahad iyo Khadiija oo aan wali ka jawaabin eedeynta culus ayaa gacansaar dhow la leh dowladda waqtiga kasii dhacayo ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Khadiija oo diidey maxkamad u yeertay

Xilli ay soo bandhigeen dukumiintiyo caddeynaya heshiiska ay guriga ku degtay Khadiija, dhinacyadan ayaa xusay in Xildhibaanada ay ugu awood sheeganeyso shaarka dowladda ayna xataa u diidey in ay booqdaan gurigooda.

"Madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Rooble waxaan ka codsaneynaa in ay gurigeena nooga saaraan dadkaan xooga ku haysta ee awooda dowladda noo adeegsanaya," ayuu yiri Cismaan.

Wakiilka oo ka dhawaajiyey in "qaab shirqool ah" ay Khadiija ugala wareegtay hoyga ayaa tibaaxay in Wasiiradda ay saddex jeer diidey u yeerida maxkamada gobolka Banaadir markii ay dacweeyeen 2016-kii.

"Ciidamadda ay guriga geysatay ee naga hor istaagay in aan galno si aan u aragno waxay ku amartay in aysan naga qaban warqada," ayuu ku daray. "Sidoo kale, waxaa 15 maalmood laga baafinayey Radio Muqdisho [Idaacada dowladda]".

Khadiija oo maamulkii Xasan Cali Khayre ka ahayd wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa loosoo wareejiyay Wasaarada Gargaarka iyo maamulkii Maareynta Musiibooyinka kadib markii ay dhacdey xukuumadii hore.

Boobka guriyaha gaar ahaan kiisaska ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiinta dowladda federaalka ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, iyaddoo go'aanada hay'addaha garsoorka ay yihiin qaar aan dhaqan-gelin iyo kuwa ka gaabiya cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM