Qalad uu wasiir galay oo "sababay" in dacwad lagu soo oogo Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qalad si il-duuf ah uga dhacay wasiir Soomaali ah ayaa dhabaha u xaarey in waddanka lagu soo oogo dacwad looga doonayo malaayiin Doolar, sidda uu sheegay taliyihii hore ee hay'ada sirdoonka Qaranka.

Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, oo xilkaas hayey mudadii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka gaabsaday magaca wasiirka, balse wuxuu si dulmar ah u soo bandhigay tafaasiisha dhacdadaas.

Sidda laga soo xigtay taliyaha, wasiirka ayaa warqad u saxiixay dulaaliin ajnabi ah kuwaasoo u sheegay in ay Soomaaliya u hayaan lacag badan oo dibada u taala, balse aysan soo qaadi karin cid kale oo aan iyaga ahayn.

"Wasiirka isagoo aanan ka fariisan ayuu saxiixay warqadaas," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka maxaliga ah ee Dalsan Tv.

Mr Tuuryare oo ciidanimada kusoo biiray 2005-tii ayaa rumeysan in dhacdadaan ay ka dhalatay waaya aragnimo xumi haysatay wasiirka, isagoona faafiyey qisadan xilli uu ka jawaabayey su'aal jawaabteedo malaayiin tahay.

Su'aasha ayaa la xiriirtay dhibaatooyinka qaranka kasoo gaarin shaqsiyaadka haykalka dowladnimada kusoo galaya xilalka agaasenimadda.

"Waxaa ogahay Qalad yar oo uu wasiir sameeyay in Soomaaliya Illaa hada dacwad ay ku socoto lagana rabo lacag todobo boqol oo milyan ah dhibaatadana waxa keenayaa ayaa ah in qofka asagoo waligiis shaqaale dowladeed noqon ayuu jago wasiir ama agaasime ka bilaabayaa aqoon iyo khibrad midna uma laha shaqada loo igmaday," ayuu kaga falceliyey su'aashaas.

Dhanka kale, Tuuryare ayaa daaha ka rogay in mid kamid ah safiirada wadamada caalamka u fadhiya Soomaaliya uu dalka keenay hub dhacay una ekeysiinaya in ay soo dhiibtey dowladiisa, balse shirkad uu la heshiiyey uu kasoo qaadey.

"Waxaa laga yaabaa in shirkadaas hubka ay gubi rabtay, balse uu ninkan [safiirka] dhahay 'lacag ayaan idin kugu bedelayaa; meeshii $500 ku iibin lahayd waxaa ka siinayaa $50' isagana [safiirka] uu u yimid wasiirkeena kadibna u sheegay in dowladiisa lacag ugu deeqdey, warqadana ka saxiixo, markii lacagta lasoo dirana hubka dhacay kasoo qaaday shirkada uu lasoo heshiiyey, sidaasna qeybta soo hartay isaga u qaato, qeyb kale oo yarna ka siiyo wasiirkeena," ayuu tilmaamay, isagoo hadalkiisa intaas kusii daray: "Waa qoryahaan markii dambe loo bixiyey Cali Shucaaca ee Puntland ka qeylineysay maalin dhaweyd".

Hay'ad ay leedahay haweenay reer Germany ah oo wasiir ka hor istaagay in laga ceriyo iyo askari ajnabi ah oo dharbaaxay sarkaalka Soomaali ah balse shisheeye diiday in dalka laga eryo ayuu ku qeexay dhibaatooyinka uu la kulmay.

Mudadii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayuu caddeeyay in ay basaasi jireen hay'addaha kale ee dowladda, isagoo cuskaday in ay ogaanayeen caqabadaha jira uuna gudbinayeen wasiirka si ay xal u helaan.

Warsidaha Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo sheegashooyinka iyo eedeymaha uu jeedinayo Tuuryare, wuxuuna ku howlan yahay hubintooda.

Hay'addaha dowliga ah ee Soomaaliya ayaa ku jira dhisme maadaama burburkii ay cagta mariyeen wax walba, waxaana caqabadaha ugu waaweyn ee keeni kara dhibaatooyin intaan ka badan kamid yahay nin-jecleysiga iyo musuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM