Khilaafka Khaliijka iyo saameyntiisa gurmadka qaraxii Zoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalmo ayaa ka harsan sanad-guuradii koowaad ee qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo dunida oo ay fusliso koox argagxiso ah, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsadey Gaari xamuul ah ayaa dad ugu badan ee uu dilay waxay ahaayeen Shacab, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 500 qof, halka dhaawac uu 1,000 ka badan yahay.

Guddiga Gurmadka Qaran ee is-miidaamintii Zoobe ayaa sheegay in marka laga soo tago dhimashada iyo geerida ay jiraan dad kale oo nolal iyo geeri lagu yahay, kuwaasi oo lagu tilmaamay in ka badan 200 oo ruux.

Guddigaan oo loo aas-aasey inay Gurmad gaarsiiyaan weerarkii Zoobe, iyo midkii ka dhacay Naasa-hablood ayaa sheegay in wadarta guud ee caruurta ku agoon-tawday ay tahay 2360 Ubad ah.

1,398 kamid ah caruurta wuxuu Guddigu sheegay inay qaan-gaareen, halka 962 kamid ah aysan qaan-gaarin, ayna ubaahan yihiin daryeel ay ka helaan dowladda, taasi oo uu Guddigu siku dayey.

Gudoomiyaha Guddiga Cabdullaahi Maxamed Shir-wac, ayaa tibaaxay inay isku dayeen sidii ay ugu heli lahaayeen caruurtaasi cid kafaala qaadda xilli madaxda dowladda ay arrinkaasi balan-qaadeen.

Hase yeeshee, Shir-wac ayaa cod dheer ku sheegay in aanu waxba kasoo naaso cadaadin arrinkaasi, isaga oo ku nuux-nuux saday inay gaabis dhinaca dowladda ka yimid ay caruurta wali ku la'yihiin kafaalaqaad.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa daboolka ka qaaday in Khilaafka dalalka Khaliijka oo maamulka Farmaajo lagu eedeeyey inuu la safatey Qadar uu qayb ka yahay sababaha ay kafaalo qaadka u waayeen caruurta.

"Aniga ahaan waxay ila tahay in caruurta ay ku waayeen cid kafaalo qaada gaabis dhinaca dowladda ah iyo khilaafka Khaliijka, maadaama dhamaan hay'addahii noo yimid ay halkaasi ka socdeen," ayuu raaciyay.

Khilaafka Khaliijka oo u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah iyo Qadar oo xayiraado lagu soo rogay ayaa sidoo kale saameeyay siyaasadda dalka, xili maamuladda qaar ee dalka ay la safteen xulufada go'doomisay Dooxa.

Dowlad goboleedyadda ayaa ku eedeeyay madaxdda Villa Soomaaliya inay la safatey Dooxa, iyadda oo baal-martay mowqifkeedii dhex-dhaxaadnimadda, xiisadda khaliijka, iyadoo u janjeertsatay dhanka Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM