Khilaafka madaxda DF iyo walaaca Beesha caalamka ee doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo dalka uu galayo marxalad kala guur ah iyo doorasho 2020, ayaa waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in khilaaf soo kala dhex-galay xiriirka madaxda dowladda ugu sareeyay - Farmaajo, Khayre iyo Mursal.

Saddexda mas'uul oo khilaafkooda wali soo shaac-bixin, ayaa isku qabtey nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya sanadka soo socda.

Illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in wakiiladda beesha caalamka aysan ku qanacsanayn qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee doorashooyinka 2020-2021, oo ah in dad matalaya shacabka oo lasoo xulay ay sameyaan codbixin ka dhacda Muqdisho.

Khilaafka ayaa sababay in Farmaajo uu ka cudurdaarto dhowr jeer kulamo ay dalbadeen Wakiiladda Beesha Caalamka, kahor inta aysan booqashada ku tegin maamullada ka jira dalka todobaadii hore.

Madaxweynaha ayaa sida aan xogta ku helayno ku mashquulsanaa kulamo gaar-gaar ah oo Xildhibaano katirsan Aqalka Hoose iyo Senate-ka kula qaadanayay Xafiiskiisa, isagoo olole ugu jira in Baarlamaanka uu diido sharciga cusub ee doorashooyinka, oo horyaalla hadda Gollaha Shacabka.
Waxaa jira sharci hore oo Madaxtooyadda usoo marisay Gollaha Wasiiradda.

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa kula kulmay Muqdisho Ra’iisul Wasaare Khayre, gudoonka labada aqalka ee Baarlamaanka FS, Guddiga doorashooyinka iyo madaxda xisbiyada siyaasadeed, oo arrimaha doorashada isla-gorfeeyeen.

Farmaajo ayaan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin qaar kamida dowlad goboleedyada dalka, iyadoo beesha caalamka taasi ku abuurtay walaac xooggan, maadaama ay keeni karto dib u dhac ku yimaada qorshaha doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale jira khilaaf ka dhex-jira madaxda sare ee dowladda, oo labo dhinac ukala qeybsamay kadib markii ay isku qabteen nooca doorashadda dalka ka dhici karta.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ayaa isku dhinac ka noqday diidmada qorshaha Farmaajo ee doorashadda, iyagoo doonaya in shacabka ay soo doortaan Xildhibaanada matelaya, kadibna Baarlamaanka cusub uu doorto Madaxweynaha.

War-saxaafadeed ay wakiiladda beesha caalamka si wadajir ah usoo saareen todobaadkii tagey, ayaa ugu baaqayay in dhamaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya inay wadahadal dhab ah ka yeeshaan khilaafka ka jira dhinaca doorashadda.

Wali ma cadda mowqifka Madaxweynaha ee doorashadda, oo nooca ay noqon doonto, waxaana shaki badan laga muujiyay inay Soomaaliya ka dhici karta sanadka soo socda doorasho “qof iyo cod” ah, maadaama xaalado amni iyo duruufo kale oo kamida khilaafka siyaasadeed ay jiraan.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan oo hormuud u ah dedaallada beesha caalamka ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay si degdeg ah u dhameyso khilaafka kala dhaxeeyay dowlad goboleedyada.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa waxay dalbadeen in aan la siyaasadeyn arrimaha doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta, lagana wada-shaqeeyo hanaanka dib usoo kabashada wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale, xisbiyadda siyaasadda ayaa ka digay inay dhacdo mudo-korarsi sharci darro ah, maadaama sharciga cusub ee doorashooyinka lagu soo daray qodob dhigaya in dowladda 6 bilood oo dheeraad ah xafiiska sii joogto, hadii musiibooyinka qaran dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM