Kiiska Qalbi dhagax iyo wasiirada: Su'aashii lagu haftay iyo dooda?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdi Faarax Saciid [Juxa], wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadey xog dheeraad ah oo ku saabsan kiiska Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax.

Macluumaadka uu daaha ka rogay Juxa ayaa ku saabsan sidda ay wax uga dhaceen shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya kadib markii sarkaalkan ka tirsan jabhadda ONLF loo dhiibay dowladda Itoobiya.

Juxa ayaa caddeeyay in hogaanka dalka ay muddo todoba maalmood ah ku qaadatay in ay go'aan kaga gaaraan kiiska Qalbi dhagax.

Golaha wasiirada ayuu carabka ku adkeeyay in maalintii 8aad shir deg-deg ah la isugu yeeray si ay uga doodaan qadiyaddan "ay liqi waayeen" shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirada ayuu xusay in ay dood adag ka yeesheen kiiska kahor inta taliye Sanbaloolshe uusan u sheegin in dhiibistiisa loo cuskaday heshiis dhanka xuduudaha oo ay wada galeen Galmudug iyo Cabdi Illay.

"Heshiis xuduudaha ah ayaa laga dhigay heshiis heer qaran oo ay wada galeen laba dowladood," ayuu ku daray. "Qofka dooda ugu adag keenay waxay ahayd Maryan Qaasim [wasiirkii arrimaha gargaarka]".

Su'aal ay Maryan Qaasim hor-dhigtay golaha oo ay "wasiiradu ka jawaabi waayeen" ayuu ku qeexay "halka ay ku dambeysay qadiyada ay Soomaali u dagaalameysay ee xorreynta Soomaali Galbeed?"

Warqadii go'aanka

"Waxaa laga dhigaayey in uusan Soomaali ahayn, anniga waxaan kula doodey ra'iisul wasaaraha hadii ninka uusan Soomaali ahayn xagee ayuu ku eg-yahay xadka Soomaalinimadda?" ayuu tilmaamay.

Sidda laga soo xigtay Juxa,  markii wasiirada ay laba saac ka doodeen kiiska, ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahad Maxamed Guuleed Khadar ayaa golaha u akhriyey "warqad uu jeebka kala soo baxay".

"Go'aan lasoo gaarey ayaa golaha la horkeenay si ay u sharciyeeyaan," ayuu tibaaxay. "Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo ku xigeenka ayaa maalmo ka doodayey markii arrintu faraha ka baxday".

Wuxuu ku daray: "Markii codka la geliyey aniga iyo Oomaar [wasiirka duulista hawada] waan ka aamusnay, Maryan Qaasim-na way diidey, inta kale waa isku raaceen dabadeedna Yariisow ayaa la yiri akhri".

Xukuumadda ayaa dhiibistii Qalbi dhagax ku sababeysay in uu qorsheynaayey weeraro iyo in uu ka tirsan yahay ONLF, oo ay ku qeexday "urur argagixiso ah", wallow ay kala kulantay cambaareyn.

Qirashadii Sanbaloolshe

Madaxii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, oo wareysi uu siiyey Dalsan Tv ku qirtay in uu kaalin ku lahaa wareejinta sarkaalkan ayaa si furan u codsaday in la cafiyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre oo uu si cad u sheegay in ay bixiyeen amarka ayuu ku waaniyey in ay raaligelin bixiyaan isla markaana ay ONLF ka saaraan liiska argagixisada.

Doorkiisa ayuu kusoo koobay "waxaan fulinaayey shaqo la ii diray, waxaana aaminsanahay in aan u qabtay si daacadnimo ah, oo aan laab-laab lahayn".

Qalbi dhagax oo bishii August, 2017 laga qabtay koonfurta Gaalkacyo kahor inta aan Muqdisho laga duulin isla markaana laga dejin Itoobiya ayaa xorriyadiisa dib u helay June, 2018 markii uu cafiyey Abiy Axmed.

Kiiskaan ayaa bar-madow ku noqday dowladda madaxweyne Maxamed Farmaajo oo sameysay dadaalo badan oo ku aadan in ay qaab hoose u damiso galkaan, balse ay gebi ahaantooda kusoo idlaadeen natiijo la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM