Koox ka shaqeysa lacag dhaqidda oo lagu qabtey Garoonka Muqdisho iyo Xildhibaan ku lug yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay qabteen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah.

"Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa," ayaa lagu yiri qoraal laguu dhigay Bogga Twitter-ka ee NISA.

Warkan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadkaan uu howlahaan u fududeeyay, gaar ahaan inay ka gudbaan Madaarka Muqdisho Xilldhibaan aysan magac-dhabin oo ay sheegtay inuu Aqalka Hoose ka tirsan yahay.

"Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka, "Mudane ka tirsan Golaha shacabka" ee BF. Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay'adaha sharciga ee ku shaqada leh, si'ay uga qaadaan talaabada ku haboon," ayaa lagu daray qoraalka.

Lacag dhaqida iyo sameynta Dollar-ka been abuurka ah ayaa dalka ka ah mid macmnuuc ah xili Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud uu qalinka ku jiiday sharci fal-dambiyeed u aqoonsanaya shaqsiyaadka lagu qabto.

Qabashadda Ragga ay sheegtay NISA ayaa kusoo beegmaysa xili lagu wado in Wasaaradda Maaliyada xukuumada Federaalka ah ee soo daabacdo lacag cusub, oo uu dalka ku yeesho, taasoo ay ka gacan siinayaan hay'addo caalami ah oo IMF kamid tahay.

NISA ma aysan sheegin illaa hadda magaca Xildhibaanka fal dembiyeedkan ku lugta yeeshay, balse waxay shaacisay in hay'adaha amaanka dowladda ay wadaan baaritaan.

Maxkamadaha dalka ayaa waxaa horey uga soo muuqday shaqsiyaad lagu soo eedeeyanayo fal-dambiyeed noocaan ah, kuwaasi oo markii dambe xukuno lagu riday waxaana NISA ay sheegtay in labadaan ruux ay u gudbin doonto hay'addaha sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM