Kulamo siyaasadeed oo ka billowday Baydhabo kadib doorashadii Lafta Gareen

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxwaynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa kulamo siyaasadeed waxa uu kawadaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaan.

Lafta Gareen oo 19-kii bishaan ku guuleystay doorashadda madaxtinimo, ayaa xubnaha uu kulamadda la qaatay waxaa kamid ah musharixiinta uu tartanka kaga adkaadey, kuwaasoo uu ku jiro Xuseen Maxamed Xuseen [Calool-Kuus], Taliyihii hore ee NISA.

Illo ku dhaw xafiiska Madaxweynaha KG, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Lafta Gareen ay mas'uuliyiinta kale ay kawada hadleen sidii ay wadashayn fiican u dhex-mari lahayd, maadaama laga soo gudbay marxaladdii doorashadda.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu la fadhiistay Gudoonka Gollaha Wakiilada oo ay isla soo qaadeen sidii loosii dardargelin lahaa howlaha dowlad goboleedkaan oo mudoo hakad ugu jira rabshado iyo olalaha doorashada.

Xogta uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa intaas ku daraysa in la filayo inuu kulan balaaran la yeesho guud ahaan Xildhibaanada dowlad goboleedka iyo Odayaasha dhaqanka.

Arrimaha ugu waawayn oo ay isla soo qaadi doonaan waxaa kamid ah midaynta shacabka iyo Beelaha oo ku kala qaybsamay intii ay socotay Olalaha doorashada iyo qaboojinta xiisadda ka dhalatay xarigii Mukhtaar Roobow.

In ka badan 15 ruux oo ku jiro Xilldhibaan ayaa ku dhintay dibad-baxyo rabshado watay oo ka dhacay Baydhabo markii ay dowladdu soo xirtay Mukhtaar Roobow, kaasi oo hadda maxbuus ku ah magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa daboolka ka qaaday in xaflada caleemo-saarka Lafta Gareen oo haatan ay socoto qaban-qaabadeeda kadib la filayo inuu socdaalkiisa ugu horeeya ku yimaado Muqdisho.

Lafta Gareen ayaa la fahansan yahay in guusha doorashadda ay u sahashay taageero uu ka helay Villa Soomaaliya xili wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Soomaaliya uu shaaciyay inay DF ku bixisay lacag dhan $3000,000 [Saddex Milyan oo dollar].

GAROWE ONLNE

Related Articles

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 05:15PM

Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 02:28PM