Kulankii Farmaajo iyo Xaashi kahor dhiibista Qalbi dhagax: Digniin iyo qiil?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in uu kamid ahaa madax qadiyadda Cabdikariin Qalbi dhagax kala hadashay madaxweyne Farmaajo.

Qalbi dhagax, sarkaal sarre oo ka tirsan ONLF gaar ahaan dhanka garsoorka, ayaa loo dhiibay Itoobiya bishii August, 2017-kii kahor inta aysan sirdoonka Soomaaliya kasoo qaban Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Kahor inta aan loo duulin Itoobiya, Qalbi dhagax ayaa muddo saddex maalmood ah ku xirnaa xabsiga Jilacow ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maalintii u dambeysay, waxaa la sheegay in gaariga xabsiga looga soo saarey "ay saarnaayeen" Cabdullaahi Sanbalooshe, taliyihii sirdoonka Soomaaliya, iyo Jamaaludiin Maxamed, danjiraha Itoobiya.

Balse maalin kahor dhiibistiisa, Cabdi Xaashi iyo xubno kale oo ka tirsan Aqalka Sare oo helay xogta sheegeysa in la wareejinayo Qalbi dhagax ayaa u tegay madaxweyne Farmaajo si ay uga soo xog-wareystaan arrintaas.

"Anniga, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdirisaaq Jurile ayaa Madaxweynaha u tagay, waxaana u sheegnay in haddii ninkaas Itoobiya loo dhiibo ay tahay dambi weyn," ayuu Cabdi Xaashi u sheegay u sheegay Horufadhi Media.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u yeeray Cabdi Xaashi abaare tobbankii caweysnimo.

"Markaan u tagay, madaxweynuhu telefoon buu wacay, waxaana noo yimid Sanbaloolshe, 'waxaad ii sheegaysey Cabdi Xaashi u sheeg' ayuu madaxweynuhu yiri," ayuu daboolka ka qaadey Senator-ka.

Hadii xaqiijin laga helo Madaxtooyadda, tani waxay meesha ka saareysaa sheegashooyin ku aadan in Farmaajo "aanu la socon" kiiskan.

"Sanbaloolshe wuxuu igu yiri 'Qalbi dhagax isagaa nala soo xiriiray, wuxuuna naga codsaday inuu rabo inuu Itoobiya isu dhiibo lana heshiiyo, Dawladdana uu ka rabo inay arrintaa ku caawiso. Fiisihiisiina waa kan' oo wuu na tusay," ayuu Xaashi ku daray.

Hase ahaatee, Cabdi Xaashi wuxuu waqtigaa ku guuldareystay in uu dalbado in la horkeeno Qalbi dhagax si uu qirashadaas uga xaqiijiyo.

Kiiska Qalbi dhagax ayaa bar-madow ku noqday dowladda madaxweyne Farmaajo, oo lagu eedeeyay in ay "cadow u dhiibtay muwaadin Soomaaliyeed".

Cabdikariin Qalbi dhagax ayaa sheegay in mas'uuliyiin xukuumadda ka tirsan isku dayeen in ay ku qanciyaan in uu la kulmo madaxda Villa Soomaaliya balse uu shuruud uga dhigay "raali gelin ay bixiyaan".

Bishii June, 2018-kii ayuu Qalbi dhagax dib u helay xorriyadiisa wallow uu sheegay in uu kasoo baxsaday ciidamo Tigray ah oo Dowladda federaalka Soomaaliya "kula heshiisay in ay xorriyada ka qaadaan ama in ay dilaan"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM