Maamulada dowlada Federaalka Somalia oo ku heshiiyey qaybsiga dakhliga Kalluunka Tuna

Image

VICTORIA, Seychelles - Waxaa dalka Seychelles ka dhacay Shir ay dowladda Mareykanka dhexdhexaadinayso oo dowladda dhexe ee Somalia iyo Mamaul goboleedyada dalka uga hadlayaan qeybsiga Kheyraadka Kullaanka TUNA.

Wafuud ka kala socota Wasaradaha Kallumaysiga Maamul Goboleedyada iyo wafdi heerkiisu hooseeyo oo matalaya dowladda Federaalka ayaa ku sugan dalka Seychelles.

Illo-wareedyo ku sugan Shirka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha GO in maamul goboleedyada ay heshiis ka gaareen hab qeybsiga Dakhliga Kaluunka TUNA, iyadoo uu maqan yahay lana sugayo saxiixa dhanka dowladda Federaalka Somalia.

Hay'adda Mareykanka ee USAID oo soo qaban-qaabisay Shirka, ayaa raadinaysa in dowladda Federaalka Somalia u abuurto Illo dhaqaale iyo Dakhli kasoo gala Kalluumaysiga Kalluunka qaaliga ah ee TUNA.

Shirkan ayaa wajigiisa kowaad waxa uu ka dhacay Muqdishu bishii lasoo dhaafey dhamaadkeeda, kaasi oo kusoo dhamaaday Is-afgarad la'aan, waxaana loo wareejiyay magaalada Victoria ee dalka Seychelles.

Shirkado waaweyn oo reer galbeed ah ayaa aad u doon-doonaya ka faa'idaysiga Kheyraadka Kulluunka TUNA, oo Biyo dalka Somalia aad uga buuxo, kaasi oo caalamka qiimo sare ka jooga, cunistiisana la jecel yahay.

Shirkadahan ayaa doonaya inay qaab sharciyaysan uga kalluumaystaan Badda Somalia, islamarkaana ay bixiyaan lacago canshuur ah, taasi oo ay kala qeybsan doonaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in dowladda Federaalka ay Dakhliga dhaqaalaha kasoo xarooda Kulluunka TUNA ay heli doonto 30%, halka mamaul goboleedyadana ay qaadanayaan 70%.

Lacagta kasoo gasha dowladda Somalia Kulluunka TUNA waxaa lagu shubayaa Bangiga Dhexe ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM