Madaxweynaha Eritrea oo kusoo wajahan Muqdisho iyo wadooyinka oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta magaalada Muqdisho booqasho ku imaanayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad u fidiyay Isaias Afwerki, waxaana ay kawada hadli doonan xoojinta xiriirka labada wadan.

Wadooyinka magaalada ayaa la xiray, waxaana gebi ahaanba la hakiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha, iyadoo ciidamo badan la dhigay xalay jidadka ku dhaw Garoonka diyaaradaha illaa xarunta Villa Somalia.

Booqashada Afwerki ee Muqdisho oo aan la ogeyn inta maalmood ama saacadood ee ay qaadan doonto ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Madaxweyne Farmaajo uu Gollaha Shacabka ka yaallo Mooshin xilka-qaadis ah, oo ay ka keeneen 92 Xildhibaan.

Sababaha Mooshinka looga soo gudbiyay Farmaajo waxaa kamid ah inuu heshiis qarsoodi ah, oo aan lagu wargelin Baarlamaanka iyo Gollaha Wasiiradda uu lasoo galay dowladaha Eritrea iyo Itoobiya, iyo ku xad-gudubka awoodaha Madaxweynaha.

Lama oga in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu isna imaan doono maagalada, maadaama bishan December ay ku balansanaayeen hogaamiye-yaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya inay kulankooda 3aad ku qabsadaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM