Madaxweynaha Galmudug kulan qarsoodi ah la yeeshay Fahad Yaasiin [XOG]

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Galmudug oo maanta gaarey magaalada Galkacayo kadib socdaal uu ku tegay caasimada Kenya ayaa shaaciyay in ay halkaasi isku soo arkeen Fahad Yaasiin, taliyaha sirdoonka Soomaaliya.

Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa shaaciyay in isaga iyo Fahad Yaasiin Xaaji ay kawada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowlada Farmaajo oo ay kala siman yihiin qaar kamid ah maamulada.

Warar xog ogaal ah ayaa ku waramaya in labada masuul ay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay kawada xaajoodeen, kuwaasi oo ugu muhiimsan tahay in Galmudug loo furo dhaqaalaha ay xukuumadu ka xayirtay.

Kulankaan ayaa imaanaya iyada oo Xaaf uu bishii hore uu magaalada Garowe, xarunta dowlada Puntland, kula kulmay Madaxwaynaha dalka, Maxamed Farmaajo oo ay isla meel-dhigeen xalinta tabahsootinkooda.

"Wixii aanu kuwada hadlay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxba kama fulin," ayuu Xaaf ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimad goboleedka Mudug, isaga oo raaciyey "Waxaan filaynaa in ay dhaqan-galaan".

Hogaamiyaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaliilay dowlada dhexe in ay hay’addaha caalamka ku amartay inaanu mashaariicyo horumarineed ka fulin karin degaanada dowlad goboleedyada.

"Waxba nama yeeli karaan, waanu isku tashan doonaa," ayuu daba dhigay, isaga oo intaasi ku daray "Inaga ayaan u yeeraneynay hay’addaha bal aan aragno hadii ay dhihi karaan, ma aadi kartaa halkaasi".

Mr Xaaf ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii uu u dhisi lahaa dekada Hobyo oo noqon karta isha dhaqaale ee ugu wayn Galmudug hadii la dayactiro xili ay kamid ahayd mashaariicdii uu Farmaajo dhagax-dhigay.

Ugu dambeyntii, waxa uu ku dhaleeceeyay wasiirka arrimaha gudaha XFS hadalo dhowaan kasoo yeeray oo ku saabsanaa xalinta colaad beeleedyada, isaga oo ku tilmaamay in ay kamid tahay "dhibaatooyinka lagu hayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM