Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Dhoobley

Image
Image
Image
Image

DHOOBLEY, Jubaland -- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagan ka howlgala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM