​Madaxweynaha Somalia oo Puntland ugu hambalyeeyay qaadashada 4.5

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa hambalyo u diray shacabka iyo xukuumadda Puntland isagoo ku bogaadiyay qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa arrintaasi lagu cadeeyay, waxaana lagu ammaanay Ra'isal wasaare Cumar iyo dowladda Puntland dadaalka ay u galeen danta umadda Somaliyeed.

Hambalyada madaxweynaha ayaa soo baxday xilli maanta magalada Garowe soo gaaren wufuud kasocota beesha Calaamka kuwaasi oo marag ka noqonayaa hishiis dhexmaraya labada dhinac oo muddo ku dhow wadahadal uga socday magaalo madaxda Puntland.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo qaabkan u qornaa

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyay oggolaanshaha qaabka doorasho ee 2016-ka

Muqdisho, April 3, 2016: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu bogaadinayaa dadaalka dheer ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo dowladda Puntland u galeen horumarinta danta Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

Sidoo kale qabyo-qoraalka heshiiska laga wada hadlay waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran (NLF) ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan beesha caalamka , shacabka, isimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada dadaalka ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Soomaaliya.

-----------DHAMMAAD------------

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM