Madaxweyne Farmaajo oo ka dagay Jabuuti kuna wajahan dal kale

Image

JAABUTI, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaarey dalka Jabuuti, isagoo kasoo duulay Sacuudiga oo uga soo qeybgalay Shirka dalalka Muslim-ka iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulan la qaadanayo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay kawada hadli doonaan arrimo badan, oo amniga iyo xiriirka labada dalka ay kamid yihiin.

Wararka Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in Farmaajo in uu u ambabaxayo dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaasi.

Booqashada Farmaajo ee Qatar ayaa noqonaysa midii 10-aad tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Bishii February, 2017. Masar ayaa sidoo kale casuumay Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM