Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaarey Muqdisho [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliaya - Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhaw kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, ee Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan labada golle ee dowladda Soomaaliaya ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana uu salaan sharaf ka qaatey cutunto katirsan ciidamada qalabka sida.

Fanaanka Xasan Aadan Samatar oo mudooyinkii dambe ku noolaa dalka Jabuuti, ayaa la socda Ismaaciil Cumar Geelle oo hal diyaarad ay kuwada yamaadeen Muqdisho.

Wadooyinka Muqdisho ayaa saaka loo xiray booqashada Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana dowladda Federaalka ay tallaabadan u qaadey inay ku adkayso amaanka, lagana hortago weeraro argagaxiso.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u yimid Muqdisho inuu xariga ka jaro Safaarad cusub ee Jabuuti ka dhisatay Caasimadda, gaar ahaan degmada C/casiis, halkaasi oo sidoo kale ay ku yaallaan Safaaradaha Imaaraadka iyo Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM