Madmadowga ku xeeran safarka la filayo in uu Farmaajo ku tago Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa ogolaadey martiqaad rasmi ah oo kaga timid dhigiisa Uhuru Kenyatta, sidda ay xaqiijisay Villa Soomaaliya.

Casuumadda waxaa Farmaajo ku wareejiyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo socdaal aan lasii shaacin ku tegay magaaladda Muqdisho.

Booqashada ayaa timid maalmo kadib markii ay khadka telefoonka kuwada hadleen Farmaajo iyo Kenyatta.

Saxaafada Kenya gaar ahaan wargeyska Daily Nation ayaa baahiyey in ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu ka dambeeyay wadahadalkaas, isagoo fulinaya codsi kaga yimid Mareykanka.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Farmaajo uu wacay Kenyatta. Madaxtooyadda waxay shaacisay in la sameeyay guddi labada dhinac ah oo qaboojinaya xiisada diblumaasiyadeed iyo xasilooni darada xadka.

Talaabada Farmaajo waxay timid markii Kenyatta uu Soomaaliya ku eedeeyay xadgudub dhuleed kadib dagaal xuduudka gaar ahaan inta u dhaxeysa Beledxaawo iyo Mandera uu dagaal ka dhacay.

Isku dhaca oo u dhaxeeyay ciidanka Jubaland iyo kuwa dowlada ayaa sameeyay shacabka labada magaalo. Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xaalada gobolka Gedo waxay ku baaqdey in la joojiyo colaada.

"Shaki iyo tanaasul"

Wadahadalka telefoonka ee Farmaajo iyo Uhuru oo kusoo hagaagay xili Muqdisho iyo Nairobi ay isku eedeeyeen "faragelin iyo xadgudub dhuleed" ayaa sababay su'aalo badan oo aan wali laga jawaabin.

Sidda ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, madmadowga ku geedaaman safarka Farmaajo waxaa qeyb ka ah iyaddoo aan la caddeyn ujeedka, qaabka uu ku yimid iyo in uu qeyb ka yahay kiiska badda.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa qorshuhu yahay in dhageysiga dacwadda badda ay bilowday bisha June ee sanadkan 2020.

Axmed Macalin Fiqi, xubin ka tirsan Golaha Shacabka oo naqdiyey socdaalka madaxweynaha, ayaa soo bandhigay doodiisa.

"Telefoonkii habeenka madow madaxweyne Farmaajo uu kula hadlay Uhuru, wuxuu dhalay in farsamo uu Nairobi ku tago loo sameeyo, waana midda wasiirka Kenyaanka fariinta loogu soo dhiibay," ayuu yiri.

Isagoo adeegsanaya baraha bulshada ayuu raaciyey: "Safarkii 5-aad oo mugdi ku jiro ayuu Md. Farmaajo ku tagayaa Kenya, balse markaan shaki weyn ayaa laga muujinayaa tanaasulka laga filayo inuu soo samayn doono".

"Waxaa isha lagu haynayaa deeqsinimada Md. Farmaajo uu is-arraga asaga iyo Uhuru samayn doono iyo kalimadii cadow ee kooxda Farmaajo u adeegsanaysay Kenya waxa ay ku bedeli doonaan!" ayuu hadalka kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM