Magaalooyinka ay Muqdisho cashar ka baran karto si ay amni u hesho

Image

WASHINTONG, US – Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya, waxay dhibane u tahay sanadihii u dambeeyay amni daro ay 99% sabab u tahay Al-Shabaab oo ka fulisa weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Inkasta oo dowlihii talada isaga kala dambeeyay ay qaadeen talaabooyin ay wax uga qabanayaan, haddan xeeladaha ugu badan oo ay adeegsadeen waxay ahayd xiritaanka jidadka, taasi oo aanan guuleysan.

Barnaamijka Galka Baarista ee laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa soo bandhigay dhowr sabab oo loo aaneeyo magan-galyo la’aanta caasimadda, kuwaasi oo ay kamid yihiin arrimaha hoos ku xusan;

Wada shaqeyn la’aanta hay’addaha amniga iyo shacabka, xaafado kala duwan, nidaamka dareysta oo aan shaqeyn, dhul balaaran oo ku furan, uruurinta akhaabaaraadka amniga oo liidata iyo kuwa kale.

Degmooyinka laysku yiraahdo Waliyow Cadde ee kala ah; Hodan, Waaberi iyo Xamar Jajab waa kuwa ugu muhiimsan lana aaminsan yahay in hadii laamaha ammaanka ku xoojiyaan joogitaankooda nabad-gelyo siinaya caasimada.

Wallow qaraxyadda qaar caasimadda gudaheeda lagu farsameeyo, haddana aad ayey u yaraatay kuwa dibadda gaar ahaan Shabeellaha Hoose lagu soo farsameeyo markii ay xoogaga dowladda qabteen degaano muhiim ah.

Tuulooyinka Sabiid, Canoole, Bariire iyo Awdheegle waa baraha ugu badan oo ay Al-Shabaab iska soo abaabuli jirtay marka ay weeraro ka geysaneyso Muqdisho ama degaanada kale, iyaga soo soo maraya wadada Afgooye.

Cabdinaasir Caalim Ibraahim, waa duqa Afgooye: "Qaraxyadda Muqdisho soo gala ma ahan kuwa soo mara wadada Awdheegle, waxay adeegsadaan degaanadda qarda-jeexa ah, qaarkoodna Muqdisho ayaa lagu farsameeyaa".

Magaaladda ayaa sidoo kale muddo bilooyin ah waxay ka harsatay qaraxyadda ka gedaal markii ay ciidanka qabsadeen buundooyinka; Balcad, Afgooye, Bariire, Sabiid-Caanoole iyo Janaale

Hadaba, ma jiraan magaalooyin lamid ahaa Muqdisho oo cashar ahaan looga baran karo qaababka ay u sugeen ammaankooda?

Gobolka Banaadir

Inkasta oo gobolka uusan maamulin ammaanka Muqdisho oo uu si toos ah u hoos tago xukuumadda federaalka, haddana waxaa soo galay dhaqaale ugu yaraan sanadkii lagu qiyaasay 25-milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Dhaqaalahaasi waxaa 70% waxay ku baxaan mushaharka, halka tiradda kale ee soo hartay qayb kamid ah loo qoondeeyay ammaanka.

Xukuumadda ayaa tilmaamtay in dhaqaalaha ugu badan ay ku bixiso xasilinta caasimadda oo ay joogaan ciidamadda ugu badan ee amniga sida Booliska, Milatariga iyo Nabad-sugid, haddan magan-galyo ma haysato.

Kismaayo

Annaga oo aanan aadin meel ka baxsan dalka, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland, waxay kamid tahay magaalooyinka tusaalaha noqon kara.

Miisaaniyadda sanad walba soo gasha Kismaayo, waxay kamid tahay tan uu maamulka gobolka Banaadir gacanta ku dhigo, balse waxay kaga duwan tahay istaraatiijiyadda loo maareeyay xasilinteeda.

Ibraahim Maxamed Yuusuf [Jimo Jilac], duqa Kismaayo, oo xusay in ay ammaanka u qoondeeyeen 60% ayaa dhanka kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ay xooga saareen xaqiijinta mukhaadaraad awood leh.

"Hadii aadan sirdoon helin, amni ma sugi kareysay, maxa yeelay sirdoonka waa in aad ogaato waxa kugu soo socda, waxa uu cadowgaaga damacsan yahay, iyo sida aad isaga qaban lahayd," ayuu ku sharaxay.

Garowe

Inkasta oo caasimadda dowladda Puntland ay tahay mid aad u yar, isla markaana aanan looga baran weeraradda Al-Shabaab, koox beegsata meesha ay fursad ka hesho, haddana Garowe waxay xalisay caqabado haystay Muqdisho.

Mushkiladaha ay maareysay Garowe ayaa waxaa qayb ka ah; wada shaqeynta la'aanta laamaha ammaanka iyo shacabka, nidaamka diriseynta iyo wax ka qabashada aqoonsiyada beenta oo ah ay adeegsato argagixisada.

Axmed Saciid Muuse, duqa Garowe oo hoosta ka xariiqay in ay jirto miisaaniyad gaar u ah amniga magaaladda, ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in uu jiro nidaam abaabulan oo ku wajahan xaqiijinta bad-qabka.

"Magaalada waxay ka kooban tahay xaafado, xaafaduhu waxay leeyihiin waaxyo, waaxyadu waxay leeyihiin derisyo, derisyadda iyagaa xogtooda hoose ka war-haya, oo u gudbiya gudoomiye waaxeedyadda oo u soo gudbiya booliska ayaana madaxda ka sareysa u soo gudbiya, oo subax walba soo saara warbixin," ayuu hadalkiisa ku daray duqa Garowe.

Rowdo Cabdullaahi Salaad, gudoomiyihii hore ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadda oo saluugeysa xeeladda xiritaanka jidadka ee Muqdisho ku caan-baxday waxay xoojisay nidaamka direyseynta.

"Kireysataha kaliya aanan la fiirinin, oo la fiiriyo dadka martida ku imaanaya," ayay daba dhigtay. "Laakiin, waxaa muhiim in hadii gudoomiyaha uusan helayn marka uu subaxii xogta waxa xalay ka dhacay guri walba, lama sugi karo amni".

Sikastaba ha ahaatee, khuburada dhanka ammaanka ayaa soo jeediyay in si Muqdisho u noqoto amni ay u baahan tahay; hirgelinta qalabka sawira baabuurta, tirakoobka gaadiidka iyo baraha laga soo galo oo la casriyeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM