Mareykanka oo beeniyay inuu ka dambeeyo duqeyntii Saakow oo carruur lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa iska fogeeyay warar sheegaya inuu ka dambeeyey weerarkii cirka ahaa ee habeenkii Talaada ahayd ka dhacey degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

Duqaynta oo dhacdey saqdii dhexe ayaa lagu dilay Saddex caruur ah, xili lagu burburiyey Isbitaal iyo Dugsi Quraan, sida ku cad sawiro iyo muuqaal lagu baahiyay baraha Internet-ka ee warbaahinta Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkaan ayaa sheegtay inay ku dishay saraakiil iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ah, balse, ma sheegin cida fulisay weerarkaan iyo magacyada xubnaha la diley.

Inta badan dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa weeraro cirka ah ka fuliya degaanada ku jira gacanta Al Shabaab, iyagoo ku bartilmaameedsada xubnaha Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Laakiin, Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, oo loo soo gaabiyo AFRICOM oo ka jawaabey qoraal lagu soo daabacey barta Twitter-ka ee Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in aysan iyaga qayb ka aheyn duqaynta.

"Taliska Mareykanka ee Africa ma uusan fulin wax duqeyn ah gudaha Sooaamaaliya tan iyo 11-kii bishan September," ayaalagu yiri qoraalka AFRICOM uga jawaabey Warka Garowe Online ee Twitter-ka.

Garowe Online oo soo xiganaya dadka degaanka Saakow ayaa ogaadey in duqeynta ay ahayd mid culus oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano "Drone" taasoo looga bartay Mareykanka inuu u adeegsado weerarada Soomaaliya.

AFRICOM ayaa xaqiijisay in duqayntaan lagu dilay saddex qof oo shacab ah, inkastoo aysan soo hadal-qaadin sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan inay ku dishay xubno Shabaab ah.

Kenya oo ciidamado ka joogaan Soomaaliya, ayaa mararka qaar ka geysata gobolada Jubbooyinka duqeyno diyaaradaha Helicopters-ka loo adeegsado oo ay la eegtaan degaanada ay maamusho Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 05:15PM

Diyaaradda Egypt Air oo Duullimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Egypt Air ayaa wafdi usoo dirtay Muqdisho si ay qiimeyn u sameeyaan.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 02:28PM