Mas'uul dowladeed oo Maxkamad loo soo taagey Musuq-maasuq [DAAWO]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo muuqday maanta, Cabdishakuur Aadan Maxamuud, Agaasimihii waaxda Qandaraasyadda ee Wasaaradda Maaliyadda, oo loo xiray eedaymo musuq-maasuq.

Xafiiska Xeer-illaalinta Soomaaliya oo ka codsaday 2-da bishii 8-aad [Agoosto] ee 2018, maxkamada gobolka Banaadir in eedaysane Cabdishakuur loo gudbiyey Xabsiga dhexe iyo in la mudeeyo dhageysiga gal-dacwadeedkiisa, taaso loo fuliyay ayaa soo bandhigay caddeymo.

Kiiska Cabdishakuur oo ah midka ugu culus ee la xiriira musuq-maasuq, kaasi oo ay gacanta ku hayso xeer-illaalinta dalka oo maraya heer gabagabo ah ayaa salka ku haya wax is-dabamarin lagu sameeyay mashruuc uu maal-gelinayo Bankiga Horumarinta Islaamka.

Mashruuca oo ah horumarinta dhulka qalalan ayaa laga fulinayaa magaalooyin ka tirsan goboladda dalka, kuwaasi oo qaarkood la gaarsiiyay, halka kuwa kalena lagu wado in wajiga labaad ee mashruuca la gaarsiiyo, laakiin tuhun ka yimid qaabka loo maamulay lacagta wajigii koowaad uu hakad u galay.

Dhageysiga kiiskaan oo kaliya oo bishaan si rasmi ah u bilaabmay ayaa soo maray saddex heer, kuwaasi oo kala qabsoomay 9, 16 iyo 30-kii September, xili xeer-illaalinta ay dhageysiga talaadii kusoo bandhigtay caddeymo ku saabsan saxiixa heshiisyo mashraaciiyo qaab sharci daro ah ku baxay.

Heshiisyadda sharci daradda ah ee uu saxiixay waxaa kamid ah mid bishii May 6-da ee sanadkaan laga fulinayey degaanka Bacaadwayne, isla maalintaas wuxuu qalinka ku jiiday mashruuc laga fulinayey Faxfaxdhuun [Gedo] iyo mid kale oo laga fulinayey Sheekh Cismaan, Boorame.

“Heshiisyadda dhamaantooda waxaa loogu talagalay kabida wax soo saarka. Hasa yeeshee, waxaa intaas dheer inuu hor istaagay mashaariic kale oo qaab sharci ah ku socday,” ayaa laga soo xigtay nuqul kamid ah eeda ay xeer-ilaalinta usoo jeedisay Cabdishakuur.

Maxkamadda ayaa tirro labo jeer ah, oo kala ah; 2-dii iyo 11-kii bishii 8aad [Agoosto] waxay ka diiday 18-kii bishaasi, Cabdishakuur dalab uu usoo gudbisay Wakaaladda Qareenimo ee maxkamada, kaasi oo ahaa in damiin lagu siidaayo, waxayna amartay in xabsiga lagu sii hayo.

Qareenadda difaacayey Cabdishakuur ayaa ku doodaya inaanu jirin cid dacwad ah oo dhibane u ah Agaasimihii waaxda Qandaraasyadda ee Wasaaradda Maaliyadda, waxayna ka codsatay dacwad-oogayaasha inay horkeenan maxkamadda dhibanayaasha.

“Xafiiska xeer-illaalinta kuma uusan guulaysan inuu horkeeno maxkamada cida dhibanaha u ah eedaysanaha. Taasi macnaheedu waxay tahay inaanu jirin cid dhibane u ah,” ayey fadhiga maxkamada ka sheegeen Qareenada difaacaysa Cabdishakuur.

Maxkamadda ayaa waxay fadhiga ku go’aamisay in dacwada ay u bislaatay gabagabo, sida uu u sheegay dhamaan dhinacyadda uu gal-dambiyeeedku quseeyo iyo dadwaynaha, Dr Muuse Macalin Maxamuud, Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

“Dacwada tan waxay u bislaatay gabagabo. Waxay qaadaneysaa Fadhi kale…Waxaa dhinacyadda laga sugayaa inay soo sameeyaan diyaar-garowgii gabagabada, sida waafaqsan qodobka 119 ee xeerka habka ciqaabta JFS. Maxkamadda way inoo xiran tahay,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Waa markii labaad oo qof katisan Xukuumadda hadda jirta oo lala xiriirinayo musuq-maasuq kasoo muuqdo maxkamadaha dalka xilli hanaanka cadaaladeed ee Soomaaliya si wayn loo saluugay, iyadoo musuq-maasuq iyo eex ay ka jiraan Garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM