Mas'uul katirsan Xukuumadda Khayre shaqada looga joojiyay Sir uu bixiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shaqo-joojin ku sameeyay Xoghayihii joogatada Wasaaradda, Jamaal Qaasim Mursal.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka 22-kii bishan, ayaa lagu sheegay in shaqa-joojinta Xogyahaya ay timid kadib markii Xog sir ah oo Wasaaradda shaqadeeda la xiriirta uu u bixiyay dibadda, islamarkaana la wadaagay shaqasiyaad aan la shaacin.

Xoghaye Jamaal ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay ilaalinta nidaamka kala sarreynta ee maamulka wasaaradda, waxaana kiiskiisa loo gudbiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo baaris ku sameynaysa.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA WASIIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM