Meydka Wiil 7-bilood jira oo laga soo saarey dhismo ku burburay qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la helay shalay oo Axad ahayd Meydka wiil 7-billood jiray, oo ku hoos jiray mid kamida dhismayaal ku burburay qaraxii wadada Makka Al-Mukarama ee magaaladda Muqdisho.

Canuga yar ayaa lagu magacaabi jiray Munasar Maxamed, kaasi oo la joogay xilliga qaraxa hooyadii dhashay, oo ka shaqeyn jirtay goob dumarka lagu qurxiyo [Beauty Salon] oo ku dhaw hotel-ka Makka Al-Mukarama, ee weerarka lagu qaaday.

Meydka wiilka ayaa lasoo helay saddex maalmood kadib qaraxa, waxaana lagu ogaadey inuu meesha ku jiray muuqaal ay duubtay Kaamirada [CCTV], oo soo bandhigtay dhaq-dhaqaaqii wiilka markii ugu dambeysay kahor qaraxa.

Burburka hoostiisa ayuu mudo saddex maalmood ah ku jiray Munasar, iyadoo ay la geeriyoodeen dadkii kale ee ku sugnaa halka uu joogay.

Gabadha lahayd Goobta uu Munasar ku dhintay oo magaceeda uga gaabsatay sababo amni ayaa sheegtay in dad gaaraya 16 qof oo macaamiil uu ahaa ay ku sugnaayeen xarunteeda dumarka lagu qurxin jiray xilliga weerarka oo ahayd abaare 9:00 p.m. habeenkii Khamiista ee lasoo dhaafay.

Waxay kaloo tilmaantay in wiilka yar uu ku noolaa meesha ay ka shaqeyn jirtay hooyadiisa tan iyo markii uu dhashay 7 bilood kahor, isagoo isla halkaasi u noqotay meel uu ku qaatey intii uu nolosha dunida ku lahaa.

Qaraxa ayaa dhulka soo dhigay dabaqyo dhaadheer iyo dhismayaal badan oo hareeraha wadada ku teedsanaa, iyadoo meeshana isku bedeshay goob u eg meel mudo dagaallo ay ka socdeen, oo ka caagan isticmaalka dadka.

"Hooyadiisa waxay ka shaqeynaysay goobtayda dumarka lagu qurxiyo tan iyo markii ay dhashay Munasar," ayay hadalkeeda raaciyay Gabadha diiday in magaceeda loo adeegsado warbaahinta.

Sidoo kale, waxay Gabadhan xaqiijisay inay tagaqaano in kabadan 10 qof oo ku dhintay goobo ganacsi oo iyada goobteeda ku dhawaa, kuwaasoo haleeyay qaraxii awoodda badnaa, ee loo adeegsaday gaariga xamuulka.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 100 kalena way ku dhawaacmeen weerarka, oo ahaa mid dadka ku nool Muqdisho soo xasuusiyay midkii Zoobe, ee 14-kii October kaasoo lagu dilay ku dhawaad kun ruux oo shacab ahaa.

Amniga Muqdisho ayaanan waxba iska bedelin tan iyo markii ay timid dowladda uu hogaamiyo Madaaxweyne Farmaajo, February 8, 2017, waxaana magaaladda ka dhacay weeraro aan horey loo arag oo uu kamid yahay midkii Zoobe, oo shacabka ku reebay xasuus xanuun badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM